Maguire has backed the former Middlesbrough boss to remain in charge of the Three Lions instead of managing United.

 

Maguire has backed the former Middlesbrough boss to remain in charge of the Three Lions instead of managing United.


Harry Maguire ayaa ku guul daraystay in uu boos joogto ah ka helo kooxda Man United laakiin waxa uu booska joogtadaa uu ka helay tababaraha xulka qaranka England ee Gareth Southgate.


 Ka hor ciyaaraha saaxiibtinimo ee Brazil iyo Belgium ee soo socda, 31-jirkan ayaa u mahadceliyay Southgate sida uu u siiyay  tixgalinta iyo kalsoonida isaga. 


Maguire ayaa sidoo kale taageeray tababarihii hore ee Middlesbrough in uu u sii ahaado hogaanka Three Lions halkii uu ka maamuli lahaa united.


Harry Maguire ayaa u mahad celiyay Gareth Southgate sida uu u muujiyay kalsoonida  intii uu hayay xilka tababaranimo ee England.

Maguire ayaa ka mid ahaa kooxda Manchester United xilli ciyaareedkan isagoo u saftay 19 kulan waxaana ka horeeya dookhyada Victor Lindelof iyo Raphael Varane.

Laakin daafaca ayaa weli u soo xushay waajibaadka caalamiga ah tababaraha Southgate, isagoo ku  guuleystay bandhigiisa dhammaan 62-kii kulan ee uu u saftay tababarihii hore ee Middlesbrough.

Waxa la filayaa in uu ka qayb galo ciyaaraha saaxiibtinimo ee Brazil iyo Belgium ee sabtida 23-ka March iyo Salaasada ee 26-ka March, sida ay u kala horreeyaan, iyada oo Ingiriisku sii wadayo isku diyaarinta Euro 2024.

"Waxaan u maleynayaa inaan ku jiray koox kasta oo aan diyaar u ahaa, waxaan ciyaaray kulan kasta oo tartan ah oo aan diyaar u ahaa," ayuu yiri Maguire, oo kulankiisii ​​ugu horeysay u saftay 2017.

"Waxay i siinaysaa kalsooni weyn hadda waxaa jira dad badan oo aan u malaynayn inaan ku jiro kooxda  koowaad Waxaa jira malaayiin qof oo u maleynaya inaan ahaan lahaa dookha koobaad hadii uu tababrahii hore ee Middlesbrough uu yimaado united ."

"Taasi waa kubada cagta, waana sababta ay u tahay ciyaar aad u fiican sababtoo ah qof walba wuxuu leeyahay fikrad ka duwan."

Wuxuu intaas ku daray: "Waxaan u maleynayaa in iidhiirigalinta iyo kalsoonida  uu ii muujiyay [Southgate] intii aan joogay England inay ahayd mid cajiib ah."


Iyadoo Erik ten Hag lagu soo waramayo inuu cadaadis ku saaran yahay United, Southgate ayaa lala xiriiriyay shaqada tababaraha ee Old Trafford - laakiin Maguire ayaa ku adkeysanaya in ciyaartoyda England ay doonayaan inuu uu kordhiyo sii joogida 

Three Lions 

.
Markii la weydiiyay haddii isaga iyo saaxiibadiisa xulka caalamiga ah ay doonayaan in Southgate uu sii joogo wax ka badan xagaaga, Maguire wuxuu ku jawaabay: "Haa, xaqiiqdii, iska cad."

"Waxaan dooneynaa inaan guulo ka gaarno Euro-ma fiirineyno Koobka Adduunka xilligan - laakiin sida iska cad haddii aan ku guuleysano Euro, taas oo ah diiraddayada ugu weyn, dabcan, waxaan dooneynaa inaan guulo gaarno."

"Haddii Gareth uu yahay ninka naga dhigi kara kuwa guuleysta markaas waxaan dooneynaa inuu sii joogo inta ugu macquulsan, Xiriir weyn ayaan la lahaa isaga, Waxa aan qayb weyn ka ahaa guusha iyo horumarka aynu dal ahaan muujinay."

"waxa aad eegtaa  halkii aan joognay markii hore iyo halka aan joogno hadan, qof waliba waxa uu dhihi doonaa waxa aad haysataan ciyaartoy waaweyn"

"Laakiin waxaan dareemayaa wixii uu qabtay markii ugu horeysay ee uu la wareegay shaqadan waxa uu u na keenay meesha aan hadda joogno, waxaan qaadnay horumarro waaweyn."
“Xaqiiqdii waxa uu helay aqoonsiga iyo ixtiraamka ciyaartoyda, iyo dadka isaga ku dhow, Iyo sidoo kale  dadka ra’yigooda ka hadla isaga quseeya.”
Ahmet jama

madasha xariif.net waxaad ka helaysaa dhamaan wararkii ugu danbeeyay ee cciyaaraha caalamka.

Post a Comment

Previous Post Next Post