Arsenal won against Sevilla in the group stage of the Champions League while coming back from the defeat in the previous game




Leandro Trossard iyo Bukayo Saka ayaa goolasha u kala dhaliyay kooxda Arsenal oo guul raaxo leh ka gaartay Sevilla oo ay kahartay  tartanka Champions League.


Trossard, oo ku soo bilowday lambarka 9-aad ee Gabriel Jesus iyo Eddie Nketiah oo  labadoodaba ay  dhaawacyo ku maqnaayeen ayaa waxa uu hogaanka u dhiibay Gunners daqiiqadii 29-aad.


Saka ayaa seddexda dhibcood u hubsaday daqiiqadii 64aad, isagoo ka baxsaday daafaca ka hor inta uusan shabaqa soo taaban.


Arsenal ayaa hogaanka u haysa Group B iyagoo leh sagaal dhibcood afar kulan oo ay ciyaareen, halka Sevilla ay ugu hooseyso tartanka.


Kooxda Isbaanishka oo ku guuleysatay Europa League xilli ciyaareedkii hore, ayaa wali raadineysa guusheedii ugu horeysay xilli ciyaareedkan Champions League.


Si buuxda ayay u awood sheegatay kooxda martida loo ahaa, kuwaasoo hogaanka u qalmay ARSENAL ayaa goolkeedii hore heshay kadib markii Trossard uu dhameystiray karoos joog hoose ah oo uu soo dhiibay Saka ciyaaryahanka garabka uga ciyaara England ayaa kubad si fiican u dhex dhigay goolka.


Saka ayaa intaa kadib ka soo jeestay adeeg caawinta una soo jeestay gooldhaliye isagoo dhaliyay goolkii labaad ee ciyaarta, waxaana caawinteeda lahaa Gabriel Martinelli.


"Runtii aad ayaan ugu faraxsanahay qaab ciyaareedka kooxda," maamulaha Arsenal Mikel Arteta ayaa u sheegay TNT Sports.


"Waxay soo bandhignay weerar iyo dadaal, xitaa markii aan lumino kubada waxaan si cajiib ah u fiicneyn inaan dib u soo ceshano, way adag tahay Yurub inaan u xakameyno sida aan u sameynay."


PSV oo 1-0 kaga badisay Lens ayaa Arsenal u diiday fursad ay ugu soo bixi lahayd caawa wareega 16ka iyada oo ay laba kulan ka hadheen.


Laakiin wiilasha Arteta ayaa ku soo bixi doona dhibic midkood labadii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaarayaan Lens ama PSV.



maxaa laga diwaan galiyay kulankan!

  • Bukayo Saka waa ciyaaryahankii ugu horeeyay ee Arsenal ah ee gool dhaliyay isla markaana caawiyay kulamo xiriir ah oo uu gurigeeda ku ciyaaray Champions League tan iyo Cesc Fabregas oo ay wajaheen Sevilla iyo Slavia Prague 2007/08.
  • Goolka kaliya ee Sevilla ciyaartaan waxaa u dhaliyay Mariano Díaz ka dib 96 daqiiqo iyo 20 ilbiriqsi. Laba taabasho oo kaliya ayay ku taabteen goolka Arsenal intii ay socotay ciyaarta oo dhan.
  • Dhammaan shantii gool ee uu Leandro Trossard dhaliyay tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan kooxda Arsenal waxa caawiye ka ahaa Bukayo Saka, waana gool caawinta ugu badan ee uu hal ciyaartoy Premier Leaque-ga ka dhaliyay xili ciyaareedkan.
  • Arsenal ayaa badisay labadii kulan ee heerka Groupyada Champions League oo ay wajahday koox ka dhisan shanta horyaal ee Yurub waa markii afaraad, horay ayeyna u soo badisay 2006/07 (kulankii Hamburg), 2012/13 ( Montpellier) iyo 2013/14 (kulankii Marseille). .
  • Gabriel Martinelli ayaa kulankan ku dhamaystiray sagaal fursadood, waana jaaniskii ugu badnaa ee ciyaartoy Arsenal ah uu sameeyo kulan Champions League ah tan iyo Alex Oxlade-Chamberlain oo ka horyimid Bayern Munich bishii March 2017

Arteta: Saka waa  OK

Aragtida Bukayo Saka oo dhutinaya ka dib markii uu u muuqday mid si xun ugu dhaawacmay canqowga ayaa walaac ku abuurtay taageerayaasha kooxda laakiin Mikel Arteta ayaa hoos u dhigay cabsida dhaawac ee shirkiisa jaraa'id.

"Laad uun bay ahayd," ayuu yidhi. "Fiisiyosyada ayaa ii sheegay inuusan ku faraxsanayn inuu sii wato, wuxuu u baahnaa xoogaa raaxo ah laakiin, waxaan rajeynayaa, waxaan u qaadan doonaa inuu OK yahay."


Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ayaa shan jeer qalad lagu galay qeybtii hore ee ciyaarta iyadoo Sevilla ay ku dhibtooneysay inay iska celiso. “Waxaa jira xiriir kubada cagta ah” ayuu sii raaciyay Arteta. “Xidhiyeyaasha garabka ee doonaya inay dadka si gaar ah u qaataan.

“Ugu danbayntii wuu ku faraxsanaa inuu sii wato, waxaana rajaynayaa in aanay ahayn mid wayn laakiin runtii aad ayaan ugu faraxsanahay qaab ciyaareedkiisa”.

Mar la weydiiyay hadii 22-sano jirkaan uu ku abuuray xanuun  ku sameeyay qaladaadka, Arteta ayaa ku kaftamay: "wu ku abuuray


Alonso: Ma jirto cudur daar, Arsenal ayaa ka fiicneyd

Macalinka kooxda Sevilla Diego Alonso ayaa shirkiisa jaraa’id ku calaacalay saxafiyiinta Isbaanishka iyadoo qaab ciyaareedkii liitay ee xiliciyaareed kaan uu sii socday wuxuuna qirtay inay ka badisay Arsenal.

“Dabcan waan niyad jabnay, waan dhaawacanay, laakiin waxaan kor u qaadeynaa madaxeena anagoo og inaan fursad weyn u heysano axada inaan wax ka bedelno kulanka Derby [ Real Betis]. .

“Qorshe ayaan ciyaarta ku samaynay laakiin waanu ku guulaysan kari waynay, waxaan filayaa in kooxada naga soo horjeeda ay naga fiicnaayeen caawa.



Maxaa xiga?

Arsenal ayaa sabtida dib ugu soo laabanaysa horyaalka Premier League marka ay Emirates Stadium ku soo dhawaynayso kooxda dhibtoonaysa ee Burnley.


Kulanka ku xiga ee Sevilla waxa uu gurigeeda kula ciyaari doonaa kooxda Real Betis kulan ka tirsan horyaalka La Liga Axada.

Ahmet jama

madasha xariif.net waxaad ka helaysaa dhamaan wararkii ugu danbeeyay ee cciyaaraha caalamka.

Post a Comment

Previous Post Next Post