Football Star Benzema Alleges French Minister Darmanin's Ties to Muslim Brotherhood

Football Star Benzema Alleges French Minister Darmanin's Ties to Muslim Brotherhood






Xiddiga kubadda cagta Faransiiska Karim Benzema ayaa dacwad ku oogay wasiirka arrimaha gudaha ee Faransiiska Gerald Darmanin oo uu ku eedeeyay inuu xidhiidh la leeyahay ururka Ikhwaanul Muslimiinka, sida ay ku warrantay warbaahinaha gudaha.


Gérald Darmanin ayaa bishii Oktoobar sheegay in Mr Benzema "uu xiriir xun la leeyahay kooxda Islaamiyiinta ah ee Sunniga ah ee ikhwaanul muslimiin".


Faallada ayaa "wax u dhimaysa" sharaftiisa iyo sumcadiisa, ayuu yiri qareenka Mr Benzema.


Ururka Ikhwaanul Muslimiinka ayaa ka mamnuuc ah dalal dhowr ah oo ay ku jiraan Masar, Ruushka iyo Sacuudiga.



Hadalka Mr Darmanin ayaa yimid bishii  Oktoobar  ka dib markii ciyaaryahanku uu bartiisa twitterka ku soo qoray taageerada uu u hayo dadka Gaza isagoo ku tilmaamay "Dhibanayaal mar kale loo geystay duqeymo xaqdaro ah oo aan  dhaafin haweenka iyo carruurta".


Isagoo xusay inuu ka gaabsaday inuu u muujiyo naxariis la mid ah dhibanayaasha Israa'iil ee lagu qiyaasay 1,300 ee Xamaas ay dileen 7-dii Oktoobar, Mr Darmanin wuxuu sheegay in weeraryahankii hore ee Faransiiska uu " caan ku ahaa xiriirka uu la leeyahay Ikhwaanul Muslimiin".



"Waxaan la dagaallameynaa Hydra oo ah Ikhwaanul Muslimiin, sababtoo ah waxay abuurtaa jawi jihaad ah," ayuu siyaasigu u sheegay TV-ga muxaafidka ah ee CNews.



Karim Benzema, oo 36 jir ah, kana ciyaara Sacuudi Carabiya, isla markaana ah Muslim, ayaa si degdeg ah u soo saaray diidmo, wuxuuna ku hanjabay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono wasiirka aflagaadada uu u gaystay awgeed.


Cabashadiisa oo ka kooban 92 bog, oo si weyn loogu baahiyay warbaahinta Faransiiska Salaasadii, waxa uu ku sheegay in aanu waligii xidhiidh yar la yeelan ururka Ikhwaanul Muslimiin, sidoo kalena aanu aqoon (isaga) cid kasta oo sheegta in uu xubin ka tahay.



Dacwadiisa, oo Isniintii laga gudbiyay Maxkamadda Cadaaladda ee Jamhuuriyadda, ayuu Benzema si adag u diiday inuu wax xiriir ah la leeyahay Ikhwaanul Muslimiin ama xubin kasta oo ururka ka tirsan. CJR waa maxkamad gaar ah oo loogu talagalay kiisaska lagu beegsanayo wasiirrada dawladda.




"[Inkasta oo ay taasi jirto] Wasiirka Arrimaha Gudaha kama labalabayn in uu magacayga ku lifaaqo xidhiidh aan jirin oo uu la leeyahay ururkan," Benzema ayaa ku yidhi cabashadiisa, isaga oo intaa ku daray in lagu sawiray inuu yahay ururkaa sidoo kale  ay ahayd meel ka dhac sharaftiisa.



Qareenkiisa Hugues Vigier ayaa u sheegay majaladda RTL ee Faransiiska in ciyaaryahanka kubbadda cagta uu dhibane u yahay "ka faa'iidaysiga siyaasadeed" wuxuuna ku eedeeyay wasiirka arrimaha gudaha "in uu kala qaybsanaan ku beerayo Faransiiska".

Mr Darmanin ayaan weli ka hadlin cabashada.

Waxa uu hore u bartilmaameedsaday Karim Benzema sababo kale, oo ay ka mid yihiin diidmadii uu u diiday in uu qaado heesta calanka Faransiiska.



Ururka Ikhwaanul Muslimiin waxaa la aas aasay 80 sano ka hor dalka Masar. Waxay siisay fikradda ururo badan oo Islaami ah oo casri ah inay aasaasmaan, oo ay ku jiraan Xamaas.




36 jirkan Benzema ayaa dhaliyay 37 gool 97 kulan oo uu u saftay France. Waxa uu seegay Koobkii Adduunka 2022 dhaawac dartiis, isagoo ku guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or markiisii ugu hpreysay   sanadkii hore.




Benzema ayaa shan jeer kula guuleystay Real Madrid Champions League, wuxuuna u dhaliyay 354 gool kooxda reer Spain, taasoo ka dhigan inuu kaalinta labaad ka galay oo kaliya uu ka horeeyo saaxiibkiisii hore ee Cristiano Ronaldo oo dhaliyay 450 gool.

Ahmet jama

madasha xariif.net waxaad ka helaysaa dhamaan wararkii ugu danbeeyay ee cciyaaraha caalamka.

Post a Comment

Previous Post Next Post