Middlesbrough won against Chelsea when Michael Carrick and his team entered the final of the Carabao Cup

 



Chelsea ayaa iska lumisay fursado badan iyada oo kooxda heerka labaad ee Middlesbrough ay faa’iido guul ah ka heshay lugtii hore ee semi-finalka Carabao Cup oo ka dhacday garoonka Riverside Stadium.

Hayden Hackney ayaa dhaliyay goolka ka madiga ahaa si ay lug ula sii galaan semi final ka.


Cole Palmer ayaa lumiyay saddex fursadood oo cajiib ah iyadoo Chelsea  ay heshay 18 laad, balse shan kaliya ay ku tuurtay goolka, kuna guuldareysatay inay gool dhaliso markii lixaad xilli ciyaareedkan.


"Way adagtahay in laga hadlo wax qabadkeena" ayuu yiri maamulaha Chelsea Mauricio Pochettino oo la hadlay saxaafada.


"Waxaan abuurnay xoogaa fursado ah, laakiin ma aanan aheyn mid ku aan ku gaadhnay shabaqa, Qeybtii hore ee xilli ciyaareedka, waxaan abuurnay xoogaa fursado ah, laakiin ma aanan guuleysan sababtoo ah ma aanan aheyn  kuwo soo bandhigay wax fiican  - waa inaan sii wadnaa riixitaanka."


Chelsea, oo fadhisa kaalinta 10aad, ayaa lumisay 40 fursadood oo waaweyn - sida ay ku qeexeen falanqeeyayaasha tirakoobka Opta - Premier League ilaa hadda xilli ciyaareedkan, waana kooxda labaad ee ugu sareysa kubad qasaarinta horyaalka, ka dib Liverpool (41).


Labada suuqa kala iibsiga ee soo aaddan ayay raadinayaan weeraryahano balse uma badna inay qarashgareyn doonaan lacagta faraha badan ee looga baahan yahay Brentford Ivan Toney ama Victor Osimhen oo Napoli ka tirsan.


Boro, oo lix ciyaarood gurigooda looga badiyay Championship xilli ciyaareedkan, ayaa hadda ku riyoon kara inay gaaraan finalka, 20 sano ka dib markii ay ku guuleysteen tartanka.


“Sida ay iskula jaanqadayeen waxa ay ahayd mid qaas ah, waxana ay iga dhigaysaa in aan ku faano in aan taas arko,” maamulaha Middlesbrough Michael Carrick ayaa u sheegay mar uu la hadlay saxaafada."


"Waa inaan muujino xoogaa wax walba ah, waanan awoodna. Waan ogahay macnaha ay qof walba u leedahay, waxay ii ahayd wax cajiib ah inaan arko dad aad u faraxsan, waana wax gaar ah."


“Waxaan u diyaar garoobi doonaa kulanka lugta labaad, waana weerareynaa ciyaarta, waana arki doonaa sida ay wax u dhacaan, kubada cagta waa riyooyin iyo waxyaabo dhaca sida caawa oo kale, taasoo laga yaabo inaysan dhicin. nagama joojin doono inaan isku dayno."


Lugta labaad waxay dhacaysaa Talaadada, Janaayo 23, dhanka kale Liverpool ayaa wajihi doonta Fulham kulanka kale ee semi-finalka, iyadoo finalka uu ka dhici doono Wembley axada, 25ka Febraayo.


fursadihii UGU MUHIIMSAN EE CIYAARTA

1' FURSAD HORE EE LATHE! Colwill ayaa kubad madax ah oo qalad ah ku dhalin gaadhay goolka balse cadaadis xoogan oo kaga imaanayay Disasi uma suura galin inuu darbo xoogan la beegsado bartilmaameedkiisa.

DAQIIQADII 31 AAD PALMER ayaa ku dhawaaday in uu hogaanka u dhiibo! Howson ayaa kubad hadiyad ahaan u siiyay Palmer meel aad uga  fog goolka laakiin ma uu ku guulaysan  inuu darbo goolka ka toogto.

DAQIIQADII 37 AAD GOOOL!!! Jones hoos ayuu ka soo galay dhanka midig  daafaca chelsea wuxuuna kubad ka dhex dusiyay lugaha Colwill  gool u bedelay Hackney si uu hogaanka ugu dhiibo kooxdiisa.


QIIMAYNTA CIYAARTOYGA:

Middlesbrough: Glover 6; Engel 6, Van Den Berg 6, Fry 6; Jones 8*, Howson 6, Barlaser 7, Hackney 7, Bangura 6; Jones 7, Lathe, Crooks 6.
Kaydka: Coburn 6, Clarke 6.
Chelsea: Petrovic 6; Gusto 6, Disasi 6, Thiago Silva 6, Colwill 6; Caicedo 7, Gallagher 6, Fernandez 6; Madueke 6, Sterling 6; Palmer 6.
Kaydka: Mudryk 6, Broja 6, Gilchrist.



isbedelada labada kooxood






  • * Dael Fry, Jonny Howson, Matt Crooks iyo Emmanuel Latte Lath ayaa soo galay iyadoo Michael Carrick uu dib u cusbooneysiiyay kooxdiisa Middlesbrough ka dib guuldaradii cidhiidhiga ahayd ee FA Cup ee ka soo gaartay Aston Villa.

  • * Mauricio Pochettino ayaa laba isbadal ku sameeyay shaxdoodii ugu dambeeyay ee Premier League iyada oo Enzo Fernandez iyo Raheem Sterling ay u soo galeen Nicolas Jackson iyo Armando Broja.


Carrick wuxuu amaanay kooxda ka dib guushi xalay

“Waxay ahayd mid qaas ah, waan ogahay inay tahay arrin laba lugood leh, walina ay tahay guushu waa inaa wax walba samaynaa,Laakiin marka la eego dhammaan wixii naadi ahaan noo soo maray, iyadoo dhaawacyada iyo kooxdu ay joogaan halka ay joogaan, inaan garaacno. koox leh  tayada Chelsea qaab kasta oo ay tahay waa wax aan la rumaysan karin.

"wiilashu caawa waxay ahaayeen kuwo aan caadi ahayn, dadaalkoodu wuxuu ahaa mid heersare ah, wuxuuna ahaa habeen cajiib ah, markaan arkay ciyaartoyda oo dagaallamaya oo raba guusha, waa dareen aad u wanaagsan, runtii aad ayaan ugu hanweynahay."


Pochettino ayaa ka murugooday fursadaha ay lumiysay kooxdiisu



"Maanta habka aan u wajahnay waa uu wanagsanahey, ma dhihi karno wuu xumaa, laakiin waxaan sameynay qaladaad qeybtii hore ee ciyaarta, waxaana lumiyeen wiilashu fursado ay goolal ku dhalin kareen, waxay ahaayeen kuwo weerarkooduu badnaa balse aan ka faaidaysanin, way adkeyd in la jebiyo daafacooda."



“Waxaan helnay fursado badan oo aan ku dhalin karno gool, waana kubada cagta, kaliya waa lugtii hore ee ciyaarta, waxaana ku heysanaa 90 daqiiqo oo kale Stamford Bridge marka waa inaan noqono kuwa wanaagsan."



"Waxaan sameynay qaladaad qaar, waana nalagu ciqaabay midaas, waa inaan sii wadnaa riixitaanka, hadii aan qiimeyno waxqabadka, guud ahaan waxaan ahayn dhinaca wanaagsan, waxaan abuurnay fursado cad, ma ahayn mid aan shabaqa ku gaadhnay laakiin tanoo kale  wax badan ayay dhacday lixdii bilood ee la soo dhaafay. ciyaaro badan."


“Waxaan heysanaa 15 maalmood [ka hor kulanka lugta labaad] si aan u soo kabsano ciyaartoyda qaar, waxaan hadda ka fekereynaa Fulham, waana sii socon doonaa”.



Blues ayaa 90-daqiiqo ku haysan doonta Stamford Bridge si ay natiijada ciyaarta ugu soo celiso, laakiin waxay u baahan doontaa inay abuurto wax ka badan sidii ay ku samaynay Riverside Stadium lugtii hore ee caawa.

Goolashii ugu dhawaa ee ay la yimaadeen ayaa ahaa  labo dadaal oo uu sameeyay Cole Palmer qeybtii hore ee ciyaarta. Waxa uu awoodi waayay inuu dhamaystiro si ay goor hore hogaanka ciyaarta u qabtaan balse Middlesbrough ayaa nasiib ku lahayd in uu dayaco si kastaba ha ahaate  kooxda carrick ayaa u muuqata mid hal lu lasii gashay finalka.

 in kasoo chelsea weli haysto fursad ay ugu soo bixi karto Waxa ay ku soo laabanayaan ciyaaraha Premier League Sabtida 13ka Janaayo, iyadoo gurigooda kusoo dhawayn doonaan, kadib waxa ay gali doonaan fasaxa jiilaalka, markaas kadib waxa ay u diyaar garoobi doonaan Lugta labaad ee semi-finalkan, salaasada 23ka Janaayo. 

Ahmet jama

madasha xariif.net waxaad ka helaysaa dhamaan wararkii ugu danbeeyay ee cciyaaraha caalamka.

Post a Comment

Previous Post Next Post