Liverpool won a late victory over 10 Everton players when they returned to the top of the league






Mohamed Salah ayaa ahaa gool dhaliyaha Merseyside derby isagoo dhaliyay labo gool qeybtii labaad ee ciyaarta iyadoo Liverpool ay 10 ciyaaryahan ku garaacday Everton kulan ka tirsan Premier League.


Rigooradii kalsoonida ee Salah uu ka dhaliyay 75-aad ee ciyaarta ka dib kubad uu gacanta ku taabtay Michael Keane ayaa soo gabagabeysay 75 daqiiqo oo niyad jab ah kooxda martida loo ahaa ay ku dadaalaysay inay shabaqa Everton. waxaana uu salah ku daray goolka labaad daqiiqadihii dheeriga ahaa,  iyadoo Reds ay si ku meel gaadha hogaanka horyaalka u qabatay - ka hor inta aysan Man City badinin sabtidii.


gool dhaliyaha u dhashay wadanka masar Masar ee mohamed salah ayaa 201 gool oo xirfadiisa gaadhay kadib markii uu laba gool u dhaliyay kooxdiisa,  Liverpool ay sii xajisay rikoodhkii wanaagsanaa ay dhawaanahan ku lahayd deriskooda.


Kooxda Jurgen Klopp ayaa raadinaysay qaabkii ay ku jabin lahayd ismari waaga ciyaarta daqiiqadii 37-aad kadib ayaa xidiga daafaca ee Ashley Young uu casaan qaatay, waxaana labada qalad uu galay Luis Diaz.


Kooxda martida loo ahaa ayaa waxaa ku adkeyd in ay jabiyaan daafaca kooxda Everton  inkastoo  ​​ay sameeyeen isku dayo badan, balse waxa beeniyay dadaalkooda goolhaya kooxda ka soo horjeeday ee  Jordan Pickford.


Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka argentina Mac Allister ayaa  isku dayay fursadiisi ugu horeysay , halka uu kubad ka soo tuuray Trent Alexander-Arnold iyo Dominik Szoboszlai ay labadooduba ay ku dhawaadeen inay hogaanka udhiibeen.


Everton ayaa ku dhawaatay inay hogaanka u qabato labadii daqiiqo ee ugu horeysay markii  Dominic Calvert-Lewin uu kubad isku dayay in uu hogaanka ugu dhiibo kooxdisa balse waxa ka diiday goolahaya   Alisson.


Dwight McNeil ayaa sido kale kubad uu soo laaday dul mariyay birta, laakiin ugu dambeyntii waa la jebiyey iyadoo  ciyaarta ay ka hadhsan tahay 15 markii salah rikoodhaha u dhaliyay liverpool  dadaal badan kadib mar kale waqtigii dheeriga ahaa ee lagu daray ayaa salah markale u xaqiijiyay saddexda dhibcood liverpool,taasoo ka dhigeysa in kooxda Sean Dyche ay labo guul oo kaliya gaartay sagaal kulan oo horyaalka ah xilli ciyaareedkan.


isbedelada:

  •  Liverpool: Jurgen Klopp ayaa afar isbadal ku sameeyay kooxdii barbaraha la gashay Brighton iyadoo Kostas Tsimikas uu bedelay Andy Robertson. Saddexda kale ee soo galay waxay ahaayeen Ibrahima Konate, Ryan Gravenberch iyo Diogo Jota.

  • Everton: Sean Dyche ayaa go’aansaday inuu ku sii jiro kooxdii gurigeeda ku garaacday Bournemouth kulankii ugu dambeeyay iyadoo Dominic Calvert-Lewin uu ku soo bilaabay weerarka Toffees.


xidiga garoonka: Luis Diaz


Labada gool ee Salah ayaa guusha ku gaadhay liverpool  laakiin ciyaartoyga kulanka ayaa ahaa Diaz. Waxa uu aha xidigii uu labada jeer qaladka uu ku galay  Young kaas oo xitaa Klopp uu qirtay in uu ciyaarta wax ka badalay isla markaana uu ahaa xidigii goolka rikoodhahaa sababtiisa lahaa markii uu ciyaartoyd Everton ah gacanta kaga dhuftay. 


Go'aamadii ugu muhiimsanaa ee garsooraha ayaa wax ka bedelay tayada kooxda Liverpool laakiin Klopp go'aankii uu kaga saaray Kostas Tsimikas  ayaa ahayd mid sax ah. Daafaca bidix ee Giriiga ayaa jaanis yada ugu badan ka heleysay  Everton.



maxaa laga diwaan galiyay kulanka  Merseyside derby:

  •  Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa haatan sagaal kulan oo Premier Leaque ah ka soo guulaystay Everton isaga oo dhaafay Rafa Benitez oo guulihii ugu badnaa ka soo gaadhay Merseyside derby  tartankan.

  •  Liverpool ayaa afar kulan oo xiriir ah shabaqeeda ka ilaashatay Everton kulan ka tirsan horyaalka Premier League, waana waqtigoodii ugu dheeraa ee aan wax gool ah laga dhalin tartanka horyaalka tan iyo 1976dii.

  •  Everton ayaa urursatay kaliya todobo dhibcood sagaal kulan oo Premier League ah xilli ciyaareedkan, waana guushoodii ugu yaraa ee heerkan oo kale xilli ciyaareedkan tan iyo 2005tii.

  •  Mohamed Salah ayaa dhaliyay ama caawiye ka noqday mid kasta oo ka mid ah 13-kii kulan ee ugu dambeeyay Premier League ee uu Liverpool ku ciyaaray garoonka Anfield. Kaliya Alan Shearer iyo Thierry Henry ayaa sidaas sameeyay kulamo xiriir ah oo ay garoonkooda ku ciyaareen tartanka.

  •  Salah ayaa si toos ah ugu lug lahaa sideed gool 10 kulan oo Premier League ah oo uu ka horyimid Everton oo uu u saftay Liverpool. Kaliya Steven Gerrard ayaa Reds u dhaliyay goolal ka badan Salah  tartankan.

  •  Ciyaaryahanka Everton Ashley Young ayaa noqday ciyaaryahankii labaad ee labo jaale ku qaato kulan Premier League ah oo ay la ciyaareen Liverpool tan iyo Sadio Mane oo u ciyaaray Southampton.

  •  Ciyaartoyga Young ee Everton ayaa noqday  ciyaaryahankii seddexaad ee ugu da'da weyn ee laga saaro ciyaarta Premier League ka dib Stuart Pearce iyo Phil Jagielka.

kulamada kusoo fooda leh labada kooxood:

Liverpool ayaa ciyaari doonta kulan ka tirsan Europa League bartamaheeda isbuuca, iyagoo martigelinaya Toulouse Khamiista.

Kulankooda soo socda ee Premier League waa safar ay ku aadayaan Nottingham Forest Axadda Oktoobar 29

Dhanka kale, shaqada xigta ee Everton waa kulan Premier League ah oo ay la ciyaarayaan West Ham 

Ahmet jama

madasha xariif.net waxaad ka helaysaa dhamaan wararkii ugu danbeeyay ee cciyaaraha caalamka.

Post a Comment

Previous Post Next Post