Aston Villa ended the season with a win after winning against Burnley




 Douglas Luiz ayaa rigoore soo daahay u dhaliyay kooxda Aston Villa oo soo fadhiisatay kaalinta 2-aad ee kala saraynta Premier Leaque-ga isla markaana ay la dhibco yihiin kooxda hogaanka haysa ee Liverpool ka dib markii ay 3-2 kaga badiyeen 10 ciyaartoy Burnley.


Villa ayaa ku dhibtooday ka dib markii Bailey uu ka bar bareeyay ciyaarta qaybtii koowaad isagoo ka dhigay gool iyo gool  balse  Diaby ayaa hogaanka marlabaad u dhiibay inta aan loo dareerin qaybtii nasashada. 


Villa ayaa labo jeer hogaanka u lumiyay si ay uga soo kabsato guuldaradii Manchester United, waxaana ay lumiyeen fursado badan oo gool loo fishay ilaa Luiz uu kubad rikoodhe ahayd u dhaliyay wakhtigii dhimashada.


Burnley, ayaa seddax daqiiqo gudahood ku barbareysay ciyaarta iyadoo Dara O'Shea uu si xariif ah ugu dhaliyay laad xor ah oo uu soo tuuray Amdouni.


Burnley xaaladu ku adkaatay  markii Sander Berge loo taagay kaarka casaanka daqiiqadii 56 aad markii laysku soo laabtay qaybtii labaad  burnley ayaa dadaaal dheer ka dib daqiiqadii 71 aad Foster ayaa barbarreeyay ciyaarta.


balse  Vila ayaa lagu abaal mariyay rikoodhe daqiiqadii 89 aad  markiiAaron Ramsey oo Burnley ah uu qalad ku galay xidiga Vila bedel ku soo galay ee Jhon Duran isagoo ku jira diilinta xerada ganaaxa, Luiz ayaana rigoorada u badalay gool y si ay u sii xajistaan ​​guusha kulanka.


guushan ayaa uga dhigan kooxda uu hogaamiyo Villa Unai Emery inay dhibcaa la wadaagto kooxda hogaanka horyaalka haysa ee liverpool inkastoo reds ay weli baaqi u tahay kulanka ay la ciyaarayaan Newcastle united.


maxaa laga diwaan galiyay kulanka

  • Aston Villa ayaa laba jeer ku dhameysatay meel ka saraysa  horyaalka Burnley markii ugu horeysay tan iyo 1925-26.

  • Aston Villa ayaa badisay in ka badan kulamada gurigeeda (17) waxayna heshay dhibco ka badan gurigeeda (53) Premier League sanadka 2023 marka loo eego kooxaha kale.

  • Burnley ayaa laga badiyay 15 ka mid ah 20-kii kulan ee ugu horeeyay horyaalka markii ugu horaysay (3 guul iyo 2 bar-baro). Kahor xilli ciyaareedkaan, mid kasta oo ka mid ah seddexda kooxood ee laga badiyay 15+ 20-kii kulan ee ugu horeysay Premier League ayaa dhamaantood la reebay - Sunderland 2005-06, Derby 2007-08 iyo Sheffield United 2020-21 (Blades sidoo kale waa laga badiyay 15 kulan. xilli ciyaareedkan).

  • Ollie Watkins ayaa si toos ah ugu lug lahaa 32 gool oo Premier League ah 2023 (21 gool, 11 caawin). Waa goolkii ugu badnaa ee ciyaaryahan Aston Villa ah sanad kalandarka tartanka, halka kaliya Mohamed Salah (39) iyo Erling Haaland (38) ay ka badan yihiin sanadkan.




isbedelada ay sameeyeen labada kooxood


Aston Villa ayaa laba isbedel ku samaysay guuldaradii 3-2 ahayd ee ka soo gaadhay Man Utd iyada oo Moussa Diaby uu u soo galay Leander Dendoncker halka Alex Moreno uu bedelay Lucas Digne oo dhaawacmay. Pau Torres ayaa kasoo muuqday kursiga keydka ka dib markii uu ka soo kabtay dhaawac canqowga ah.








  • Burnley ayaa hal isbedel samaysay, iyadoo Johann Gudmundsson uu ku soo bilaabay booska Mike Tresor ka dib guuldaradii Boxing Day ee ka soo gaartay Liverpool.



muxuu Vincent Kompany ka yidhi guuldaradii kooxdiisa






Maamulaha Burnley Vincent Kompany: “Aad ayaan ugu faraxsanahay kooxda, mar walba waan ahay, mid ku qanacsan dadaalkooda.


"Niyad jabku waa laba-laab sababtoo ah waxaad samaynaysaa si sax ah waxa aad u baahan tahay inaad sameyso si aad wax ula timaado.


"Sida ciyaarta loo maamulay daqiiqado, runtii waxaan ku dhibtooday inaan qaabilno waxyaabihii ka dhacay garoonka, waxaan naftayda waydiinayaa inay saameyn ku haboon tahay in go'aamadu ay ku yeesheen ciyaarta, qaladaadka jilicsan, go'aamo degdeg ah ayay ku yeeshaan daqiiqadaha jilicsan.


“Waa inaan seexdaa wixii ka dambeeya, ka dib waxaan awoodi doonaa inaan aqoonsado inaan diirada saarno nafteena, waxaa jira waxyaabo aan si fiican u sameynay, waxaa jira wax aan sameyn karno si ka sii wanaagsan laakiin waxa ugu weyn ayaa ah kooxdu waa mid xiiso leh.


"Waxaan hadda maamuleyaa kooxda  xoogaa  waanan rajaynayaa si ka sii wanaagsan inaan u ciyaarno, waxaana nahay halis, abuurista fursado xerada ganaaxu waa meeshii aan ku dhibtoonay."



muxuu Unai Emery ka yidhi guushii kooxdiisa




Maamulaha Aston Villa Unai Emery: "Mar walba fikraddu waa in la horumariyo oo la fiicnaado, runtii waxay ahayd mid cajiib ah, sannadkii aan sameynay - laakiin aad ayaan ugu faraxsanahay kulanka soo socda.


"Waxaan heysanaa 42 dhibcood, waxaan dareemi karnaa raaxo iyo farxad, laakiin... rajadayda sanadka soo socda waa iskudayga  inaan horumar sameeyo, waxaan maamuli doonaa sida aan horumar u sameyn karno."


“Markii aan imid halkan (dhamaadkii 2022) fariinta mar walba way fiicnaan jirtay, isku day inaad Yurub la ciyaarto, isku day inaad noqoto mid u tartamaya inaad ka mid noqoto 10ka sare, todobada sare, hadda waxaanu nahay afarta sare.


"Waqtigan xaadirka ah ayaan ku jirnaa afarta sare, haddii (horyaalka) maalinta 30, 32 aan ku jirno, waxaa laga yaabaa inan aragno  anagoo usoo baxayna ciyaaraha yurub."


kulamada xiga ee labada kooxood



Kulanka soo socda ee Aston Villa waa Middlesbrough maalinta sabtida ee wareega saddexaad ee FA Cup; saacadu markay tahay 5:30pm

Kooxda Unai Emery ayaa markaas u safri doonta Everton kulan ka tirsan Premier League Axadda Janaayo 14.


Burnley ayaa iyana   jimcaha aadi doonta   Tottenham oo ku taal waqooyiga London wareega seddexaad ee FA Cup.

Clarets ayaa markaas martigelinaya Luton kulan kulan ka tirsan Premier League Isniinta Janaayo 15.

Ahmet jama

madasha xariif.net waxaad ka helaysaa dhamaan wararkii ugu danbeeyay ee cciyaaraha caalamka.

Post a Comment

Previous Post Next Post