Lionel Messi spoke about his hope to retire from football, and admitted that he knows when that day will come

Lionel Messi spoke about his hope to retire from football, and admitted that he knows when that day will come


Lionel Messi ayaa sheegay inuu  go aan ka gaadhi doono waqtigiisa xirfadiisa kubada cagta marka uusan ku raaxaysan ciyaaraha.


 Messi, oo 36 jir ah, ayaa qandaraas kula jira Inter Miami - kaasoo uu u dhaliyay 16 gool 19 kulan oo uu u saftay kooxda koowaad tan iyo markii uu uga soo dhaqaaqay Paris Saint-Germain sanad ka hor - illaa dhammaadka 2025.


"Waan ogahay in isla marka aan rumaysto in aanan sii ciyaari karin, ama aanan ku raaxaysan karin ciyaarta, ama aanan awoodin in aan caawiyo saaxiibadeyda kooxda, markaas waan joojinayaa," Messi ayaa u sheegay podcast Big Time, oo laga sii daayay. TV-ga Sacuudiga todobaadkan.

“Runtii aniga ayaa is dhaleeceeya; Waan garanayaa markaan wanaagsanahay iyo markaan xunahay. Markaa hawlgabkayga, dhib kuma lahaan doonto da'da aan ahay. Haddii aan wanaag dareemo, waan sii ciyaari doonaa.”

wariyaha ayaa xidigan ku cadaadiyay qorshaha uuleeyahay  ka dib markii uu kabaha iska siibo macasalaameeyana kubada, Messi ayaa qirtay: “Weli kama fikirin arrintan, wali waxaan diirada saarayaa inaan ku raaxaysto kubada cagtayda maalin kasta.

“Waxaan rajeynayaa inaan sii ciyaaro muddo dheer, taasi waa qorshahayga. Intaa ka dib, waxaan isku dayi doonaa inaan sameeyo wax aan jeclahay door cusub."


Lionel Messi ayaa qirtay in fikradda ah inuu isaga tago kubbadda cagta aysan hadda meesha ka baxayn, wuxuuna qirtay inuu macasalaamayn  doono marka ay ku habboon tahay.

xidiga  Ku guulaystay 8-da jeer  Ballon d’Or  ee Messi oo haatan ka ciyaara kooxda Inter Miami  horyaalka MLS-ka ayaa sidoo kale daaha ka qaaday in uu aad uga xumaaday in uu isaga tago Barcelona sanadka 2021-ka.


Lionel Messi ayaa ka hadlay rajada uu ka qabo inuu ka fariisto kubadda cagta, waxaana uu qirtay inuu garanayo xilliga ay maalintaas imaan doonto.

In kasta oo aanu sheegin wakhtiga rasmigaa soo jeedin in wakhtiga ee uu kabihiisa ka qaadan  doono lakin waxa uu sheegay in ay iman doonto wakhti dhaw, Messi waxa uu sheegay in uu garan karo goorta uu joojinayo oo aanu sii ciyaari doonin.

Ka dib markii uu kor u qaaday kabtanka Argentina  2022 koobka aduunka Messi waxa uu helay abaal marintiisii 8aad ​​​​ ee Ballon d'Or ee 2023, taasoo sii xoojinaysa booskiisa mid ka mid ah ciyaartoydii abid ugu fiicnaa kubad cagta.

Ka dib xirfad ciyaareed qurux badan oo soo bandhigay sannado badan oo miro dhal ah oo uu ku qaatay Barcelona iyo Paris Saint-Germain, Messi, oo hadda 37 jir ah, wuxuu hadda u ciyaaraa Inter Miami wuxuuna qirayaa inay iman doonto maalinta uu ugu dambeyntii dhamaanayo waqtiga kubbadda cagta.
"Waan ogahay in marka aan dareemo in aanan awoodin in aan soo bandhigo, in aanan ku raaxaysan ama caawin saaxiibadeyda kooxda, aan joojin doono," ayuu ku yiri wareysi uu siiyay saxaafada.

“Aad ayaan u dhaliilaa nafteena, waan garanayaa marka aan fiicanahay, marka aan xunahay, marka aan si fiican u ciyaarayo, iyo marka aan si xun u ciyaarayo."

"Marka aan dareemo inay tahay waqtigii aan qaadi lahaa tallaabadaas, waxaan qaadi doonaa anigoon ka fikirin da'da, haddii aan dareemo wanaag, waxaan mar walba isku dayi doonaa inaan sii wado tartankanka sababtoo ah waa waxa aan jeclahay."

Messi ayaa intaa ku daray: “Weli kama fikirin waxa aan samayn doono marka aan ciyaaraha ka fadhiisto, maanta, waxa aan isku dayaa in aan ku raaxaysto nolol maalmeedkaygan,  balse aniga wali  kama fikirin nolosha kadib [kubada cagta]”.

Xilligii ugu quruxda badnaa ee Messi ee ciyaaryahan ahaan wuxuu yimid 17 sano oo uu joogay Barca, halkaasoo uu kooxda ka caawiyay 10 La Liga iyo afar Champions League.

Si kastaba ha ahaatee, 2021 - iyadoo kooxda ay ku jirto xaalad dhaqaale iyo siyaasadeed - wuu awoodi waayay inuu ogolaado heshiis cusub wuxuuna ka tagay kooxda   si uu ugu biiro PSG.
Messi ayaa qirtay inuusan waligii dooneynin inuu ka tago kooxda reer Catalan, ayna ku adkeyd inuu la heshiiyo   si uu u baxo.

“Way adkeyd inaan is badalo markii aan tagay PSG, sababtoo ah si fiican ayaan Barcelona ugu soo shaqeeyay, waxaana u maleeynayay inaan sii joogi doono halkaas” ayuu yiri.

"Diyaar uma ahayn inaan baxo, wax walba si degdeg ah ayey u dhaceen, waxaan ku qasbanaaday inaan noloshayda dib u dhiso maalinba maalintay ka danbaysey."

"Waxaan bartay horyaal kale, koox kale, qol labiska cusub, waxay ahayd isbeddel aanaan raadinayn, waana sababta ay ugu adkeyd bilowgii."


Messi waxa uu intaa ku daray in uu ahaa daawade aadka u jecel ciyaaraha ay ka mid yihiin tennis-ka, kubbadda koleyga iyo kubbadda cagta Mareykanka - "Wax badan ayaan u fahmay tan iyo markii aan u soo guuray Mareykanka, waana ku riyaaqay!" - wuxuuna sharaxay inuu ka fariisan lahaa waajibaadka caalamiga ah ee Argentina haddii aysan ku guuleysan Koobka Adduunka 2022.

"Hadii aysan arrimuhu u dhici lahayn sidii ay u dhaceen (ku guuleysiga Koobka Adduunka), waan ka fariisan lahaa ciyaaraha caalamiga ah, sababtoo ah waxaan doonayay inaan isbedel kale ku sameeyo xirfadeyda (kooxda)" ayuu sii raaciyay. "Inaan nahay horyaalada aduunka anaga, qoysaskeena iyo dalka oo dhan waxay ahayd mid sixir ah, wana xasuusnaan doonaa  inta nolosheenna ka hadhay."

2021, ka dib labaatan sano oo Barcelona ah, kooxda Catalan waxay awoodi wayday inay cusbooneysiiso qandaraaska Messi - gooldhaliyaha ugu sareeya kooxda.

Waxa uu ku biiray kooxda reer France ee PSG laakiin waxa uu sharaxay sida u u dhaqaaqida Paris ay u ahayd “mid adag” iyo in aanu “u diyaarsanayn mana qorsheynin” in uu ka tago Barcelona . “Dhakhso ayey u dhaceen, waxaana ku qasbanaaday in aan noloshayda dib u dhiso maalinta xigta,” ayuu yiri Messi. “Waxay ahayd horyaal cusub, koox cusub, qol labiska cusub. Isbeddelkaas maan raadin, wayna adkeyd bilowgii.

Messi ayaa qarka u saaran inuu kabtan u noqdo Argentina xagaagan Copa America  isagoo xulkiisa oo ay ugu danbaysay 2021  raba inuu ku hogaamiyo markale.

Ahmet jama

madasha xariif.net waxaad ka helaysaa dhamaan wararkii ugu danbeeyay ee cciyaaraha caalamka.

Post a Comment

Previous Post Next Post