Manchester City defeated Huddersfield Town in the second division while captain Kevin De Bruyne returned from injury.

 




kooxda difaacanaysa koobkan FA Cup-ka  ee  City  ayaa ku bilowday qaab ciyaareed cajiib ah kadib markii ay 5-0 ku garaaceen kooxda Huddersfield Town.

Kevin de Bruyne ayaa ku soo laabtay kubbada cagta markii ugu horaysay tan iyo bishii August markaas oo ay Manchester City bilawday difaacashada koobka FA Cupka kadib markii ay guul raaxo leh ka gaadhay kooxda Huddersfield Town kulan ka dhacay Etihad Stadium.


De Bruyne oo dhaawac muruqa ah ku maqnaa ayaa soo galay qeybta labaad ee ciyaarta,goolasha  ciyaarta qaybtii hore ee kulanka  ayaa labo gool ay u kala dhaliyeen Phil Foden iyo sidoo kale gool uu dhaliyay Julian Alvarez, Jeremy Doku iyo gool uu iska dhaliyay Ben Jackson ayaa kooxda Pep Guardiola u dirtay wareega afaraad ee FA-cup-ka.


Manchester City ayaa ku guuleysatay koobka sanadkii hore iyadoo qeyb ka ah xilli ciyaareed heer sare ah oo ay ku qaaday Treble cup.


Kooxda martida ahayd ayaa 33 daqiiqo ka ilaalisay kooxda ka soo horjeeday inay shabaqeeda gaadho iyadoo kala hor timi difaacasho adag laakiin City ayaa mar walba u muuqatay in ay awood u yeelan karto inay hogaanka ciyaarta qabato kubad caawinteeda uu lahaa Alvarez gool u bedelay saaxiibkii Foden. 


afar daqiiqo kadib Alvarez ayaa shabaqa soo taabtay ka dib markii ay kooxda marti ahayd Huddersfield  ay ku guuldaraysaty inay joogtayso difaacashadii,   weeraryahanka Argentina ayaa shabaqa soo taabtay kahor inta aan loo dareerin qaybta nasashada.


markii laysku soo laabtay qabtii labaad ee ciyaarta city ayaa la timi goolki sadexaad ee ciyaarta, markii ay socotay qabti labaad 15 daqiiqo xidiga u ciyaara Huddersfield    Jackson ayaa iska dhaliyay goolka saddexaado ee ciyaarta.


Kubbad sameeyaha Belgium-ka iyo Jeremy Doku – oo isna dhaawac ku maqnaa shan toddobaad – ayaa goolka shanaad shabaqa ku hubsaday 74 daqiiqo.

Laakiin farxadii ugu badnayd ee maalintaas ayaa loo qoondeeyay soo laabashada Kevin De Bruyne kaas oo 17 daqiiqo oo kaliya ku qaatay in uu helo caawintiisii ​​ugu horaysay xilli ciyaareedkan kadib in ka badan afar bilood oo uu garoomada ka maqnaa.


shaxda labada kooxood

MAGAALADA XI:  Ortega Moreno, Akanji (Nunes 18), Dias (C), Gvardiol, Gomez, Lewis, Kovacic (Hamilton 76), Bobb, Foden (Wright 76) , Grealish (Doku 57), Alvarez ( De Bruyne 57)

Kaydka :  Ederson , Walker,  Ake , Rodrigo

HUDDERSFIELD TOWN XI:  Nicholls, Edmonds-Green, Helik (C), Rudoni, Koroma (Diarra 81), Thomas, Spencer, Matos (Radulovic 61), Wiles (Iorpenda 88), Jackson, Lees

Kaydka: Bellagambi, Edwards, Hudlin, Austerfield, Ayina,, Stone



kulanka Manchester vs Huddersfield Town 


Kevin de Bruyne ayaa ku soo laabtay kubbada cagta  rasmi ah markii ugu horaysay tan iyo August markaas oo ay Manchester City bilawday difaacashada koobka FA Cupka kadib markii ay guul raaxo leh ka gaadhay kooxda Huddersfield Town kulan ka dhacay Etihad Stadium.


De Bruyne oo dhaawac muruqa ah ku maqnaa ayaa soo galay qeybta labaad ee ciyaarta iyadoo labo gool uu u kala dhaliyay Phil Foden iyo sidoo kale gool uu dhaliyay Julian Alvarez, Jeremy Doku iyo gool uu iska dhaliyay Ben Jackson taasoo kooxda Pep Guardiola u dirtay wareega afaraad.


Manchester City ayaa ku guuleysatay koobka sanadkii hore iyadoo qeyb uu ka ahaa koobkani xilli ciyaareed heer sare ah oo ay ku qaaday Treble Cup , kooxda martida ahyd ee Huddersfield - 21aad ee Championship - ayaan helin fursad badan oo ay ku dhalin karto Gool.


Kooxda martida ahayd ayaa 33 daqiiqo ka ilaalisay kooxda ka soo horjeeday inay shabaqeeda gaadho , iyadoo qaar ka mid ah weerarada ay ku guuldaraysteen inay gaadhaan shabaqa kooxda, laakiin City ayaa mar walba u muuqatay mid awood u leh in ay hesho goolka furitaanka, waxaana ay daah fureen goolka furitaanka markii xidigooda  Foden uu kooxdiisa u dhiibay hogaanka ciyaarta daqiiqadii 33-aad ee ciyaarta.


Dabadeed Alvarez ayaa raaciyay goolka  labaad ee ciyaarta 4 daqiiqo kadib goolka furitaanka  kooxda martida loo ahaa  ee city ayaa  kusoo dhaaftay baas qurux badan kooxda martida loo ahaa  weeraryahanka Argentina ayaana shabaqa soo taabtay ugu danbayntii.


Kubad uu si qurux badan  usoo laaday Oscar Bobb ayaa uu shabaqa ku hubsaday si uu qaybta ee ciyaarta hogaanka ugu dheereeyo foden ayaa 7 daqiiqo ka dib dhaliyay goolkiisi labaad  ahna goolkii 4-aad ee kulanka. 


Doku, oo sidoo kale ka soo laabtay dhaawac, ayaa dhaliyay goolkii shanaad ee kooxda martida loo ahaa markii uu kubad uu ka helay De bruyne ku hubsaday shabaqa kooxda  goolhayaha Huddersfield ee Lee Nicholls.


ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 5-0 guushu   ku raacday mancity si ay ugu soo gudubto wareega xiga FA-CUPKA.


  

xidiga garoonka


Qaab ciyaareedka aan la celin karin ee Phil Foden ayaa sii socday kulankii Huddersfield.


Kubad sameeyaha City ayaa daah furay goolasha ka hor inta uusan baas dardar leh ka dhex bixin daafaca kooxda martida ah taasoo keentay goolkii labaad wax yar ka dib.


Waxa uu raacsaday goolka afaraad ee kooxdiisa daqiiqadii 65-aad ee ciyaarta waxana uu kooxdiisa ka caawiyay hasashada kubada intii ay socotay ciyaartani.


Bandhig waxqabad leh ayuu soo bandhigay isagoo ku guulaystay xidiga garoonka. 


tababaraha man city pep

"Kevin wuxuu ciyaaray daqiiqado aad u wanaagsan, waxaana u maleynay inay fiicnaan laheyd qeybtii labaad marka ay jirto boos badan sababtoo ah waxay difaaceen runtii, boosaskuna aad bay u adkeyd in la helo.


“Lakiin qeybtii labaad waxaa jiray boosas badan, waxaana ku ciyaarnay niyad wanaagsan, runtii aad ayeyna u fiicneyd.


"Hadda, sidii aan ku sheegay shirarkii jaraa'id ee hore, Kevin wuxuu u baahan yahay inuu sameeyo  tababar badan, dadaal iyo isku dayo badan badan - xitaa in ka badan ciyaaraha.


“Hadda Newcastle ( isbuuca soo socda) waxaan heysanaa fursad kale, ka dib waxaan heysanaa labo isbuuc oo aan ku qaadaneyno tababaro wanaagsan halkan iyo Abu Dhabi, marka waxaan diyaar u nahay qeybta labaad ee xilli ciyaareedka.


"Laakiin aad ayaan ugu faraxsanahay inaan dib u helo isaga sababtoo ah Kevin wuxuu kaa caawinayaa inaad guuleysato."






Tababaraha Huddersfield Darren Moore

 "Mar walba waxay noqon doontaa mid adag, waxaan isku daynay inaan baabi'inno meelaha aan ognahay in City ay aad ugu fiican tahay waxaana ku fikirnay inaan horay u sameyno. Laakin marki labadii gool ee ugu horeysay ay dhashameen ayay is dhiibeen.


"Phil Foden mararka qaar lama ciyaari karo, waa kooxda ugu fiican aduunka, waa koox fantastik ah, marka laga eego dhinaca khibradayada maanta waxa ay noo ahaan  doontaa meel wanaagsan."


kulamada kusoo fooda leh labada kooxood


Kulanka soo socda ee Manchester City waa sabtida markaas oo ay u safri doonaan Newcastle kulan ka tirsan Premier League; saacadu markay tahay 8:30pm Kooxda Pep Guardiola ayaa markaas martigelin doonta Burnley Arbacada Janaayo 31; saacadu markay tahay 10:30pm


Huddersfield ayaa kulanka soo socota waxay marti u tahay Pl ymouth  kulan ka tirsan Championship 

Ahmet jama

madasha xariif.net waxaad ka helaysaa dhamaan wararkii ugu danbeeyay ee cciyaaraha caalamka.

Post a Comment

Previous Post Next Post