FA Cup Champions Manchester City Travel To Tottenham In FA Cup Fourth Round & Full FA Cup Fourth Round Draw




Kooxda heysata koobka FA Cup ee Manchester City ayaa ku aadday Tottenham wareega afaraad, halka Maidstone United - kooxda ugu hooseeysa ee ka hartay tartanka - ay u safartay kooxda heerka labaad ee Championship Ipswich.


Xogta kulanka Tottenham vs Man City:

  • Labada kooxood ayaa dhaliyay lix ka mid ah todobadii kulan ee ugu dambeeyay Tottenham ay ku ciyaartay garoonkeeda.
  • Man City ayaa badisay shantii kulan ee ugu dambeeyay oo ay ku ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda.
  • Tottenham ayaa afar kulan oo isku xigta ku badisay gurigeeda.
  • Labada kooxood ma dhalin wax ka badan hal gool seddexdii kulan ee ugu dambeysay oo ay ku kulmeen guriga Tottenham.
  • Man City ayaa laga dhaliyay goolkii ugu horeeyay afartii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ku ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda.


League Two Newport ayaa marti galin doona Manchester United ka dib markii ay ka soo gudbeen kooxda heerka shanaad ee Eastleigh kulankoodii saddexaad ee ku celiska ahaa.


Waxaa jira kulamo waaweyn sidoo kale oo ay ka mid yihiin kooxaha ka ciyaara   Premier League ah ee  Chelsea oo martigelineyso Aston Villa , iyo Newcastle oo aadeysa Fulham 


Tababaraha Maidstone : Waxay noo tahay sawir aad u fiican

Maamulaha Maidstone George Elokobi ayaa ku faraxsan safarka Ipswich.



Waxay noo tahay kulan aad u adag. Waa meel fantastik ah juquraafi ahaan, waa mid u gaar ah  bulshadayada Maidstone United, ”Elokobi ayaa u sheegay Sky Sports News.



“Waa muhiim inaan ku raaxaysano isku aadkan, Ipswich waa koox Premier League ah oo samaynaysa horumar, waxay  ku foogan yihiin sidii ay uga mid noqon lahaayeen heerka sare ee Championship-ka, sidaa darteed inaan ku aadno wax fiican ayay noo tahay.



“Waxaan idhi haddii aanan lagunala aadin  koox Premier League ah, markaas waxa xiga ee ugu fiican waa koox Championship ah.



"Si aan u wajahno kooxda Ipswich, kuwaas oo taageero weyn ka haysta gadaashooda{taageerayaasha}, waxay u noqon doontaa munaasabad weyn naadigeena, bulshadeena iyo milkiilayaasheena.



"Waa fursad cajiib ah in ciyaartoydeena ay banaanka u baxaan, oo ay fikirkooda cabiraan oo ay ku raaxaystaan kulanka ​​maalintaa iyo taageerayashayada."




Liverpool oo wareega hore ee Emirates Stadium ku garaacday Arsenal ayaa gurigeeda kula ciyaari doonta Norwich .


Waxaa sidoo kale jiri doona kulanka Black Country derby ee u dhexeeya West Brom iyo Wolves ka dib markii kooxda Gary O'Neil ay badisay kulankii ku celiska ahaa ee Brentford si ay ugu gudbaan wareega afaraad  ee Hawthorns.


Kulamada wareega afraad waxa la ciyaari doona dhamaadka todobaadka ee January 27


Isku aadka wareega afraad ee FA Cup oo si buuxda loo sameeyay


Blackburn vs Wrexham

Bournemouth vs Swansea

West Brom vs Wolves

Bristol City vs Nottingham Forest

Leicester vs Birmingham

Sheffield Wednesday vs Coventry

Chelsea vs Aston Villa

Ipswich vs Maidstone United

Liverpool vs Norwich

Tottenham vs Manchester City

Leeds vs Plymouth

Everton vs Luton

Manchester United vs Newport

Sheffield United vs Brighton

Fulham vs Newcastle

Ahmet jama

madasha xariif.net waxaad ka helaysaa dhamaan wararkii ugu danbeeyay ee cciyaaraha caalamka.

Post a Comment

Previous Post Next Post