The remaining four teams in the Carabao Cup & their chances of winning this cup


Chelsea ayaa rigoorayaal kaga badisay Newcastle si ay u xaqiijiso booskeeda semi-finalka, sidoo kooxda reer London ee Fulham ayaa xaqiijisatay booskeeda ka dib markii ay rigoorayaal kaga badisay Everton. Labada kulan ayaa ku dhamaaday 1-1 waqdiqii 90 daqiiqo.


Middlesbrough ayaa 3-0 ku garaacday Port Vale si ay u gaarto semi-finalka koobka  carabao cup-ka markii ugu horeysay tan iyo 2004tii dhanka  kale liverpool ayaa guul raaxo leh kasoo gaadhay west ham si ay ugu soo gudubto semi-finalka.


 Middlesbrough ayaa Talaadada ku martigelin doonta Chelsea lugta hore ee semi-finalka Carabao Cup iyadoo Liverpool ay Arbacada wajihi doonto Fulham garoonka Anfield.




Sterling ma ku hogaamin  karaa Chelsea  ku guulaysiga carabao cup-ka?


Mauricio Pochettino ayaa niyada ku haya cup kani inuu muhiim u yahay xili ciyaareedkiisa uu la qaadanayo kooxdiisa cusub ee chelsea, Chelsea ka badisay Preston koobka kale ee FA Cup ka oo uu wajahayso aston villa ayuu sidoo kale u tartamaysaa kooxda Pochettino.


Iyadoo ciyaartoy badan oo da'yar ah ay ku jiraan kooxda Chelsea, Pochettino shaki kuma jiro inuu qiimeeyo khibradda uu bixiyay 29-jirkani. Ku soo darista Sterling ayaa si fiican uga faa’iidaystay kulankii Preston, halkaas oo uu ku caawiyay isla markaana ay kubadisay afar gool iyo eber, sterling ayaa dhaliyay goolka saddexaad.


kooxda Pochettino ayaa wajahaysa  Middlesbrough Talaadada  –  halkaas oo Chelsea ay rajaynayso inay talaabo kalsooni leh u qaado finalka Carabao Cup.


Iyadoo Chelsea ay ku jirto kaalinta 10aad ee  kala sareynta horyaalka Premier League, islamarkaana aysan ku u jirin champions league  , koobabka maxaliga ah ayaa pochettino saari doona muhiimad ugu wayn xili ciyaareedkan. 


Nasiib wanaag Chelsea, waxay u yeeri kartaa ciyaaryahan horay u qaaday koobkaan shan jeer. Haddii Pochettino uu dareemo in kooxdiisa dhalinyarada ah ay u baahan tahay hagitaan semi-finalkan,waxa uu ku qasbanaan doonaa in uu u yeedho Sterling.


Carrick ma ku hogaamin karaa Middlesbrough   ku guulaysiga carabao cup-ka?


Umay ahayn xilli wanaagsan maamulayaasha 'Golden Generation'.


Wayne Rooney ayaa laga ceyriyay kooxda Birmingham, Steven Gerrard ayaa ku dhibtoonaya Saudi Arabia, halka Frank Lampard uu weli shaqo la'aan yahay ka dib markii uu ka tagay Everton oo uu si ku meel gaar ah ugu biiray Chelsea.


Michael Carrick. Xilli ciyaareedkii hore waxa uu Middlesbrough waxa uu hogaamiye ka noqday kooxdan,  waxa uu fursad u haystaa ku guulaysiga  Carabao cup-ka xili ciyaareedkan. 


Laakiin Carabao Cup ayaa isaga u soo bandhigaya fursad dahabi ah oo uu ku soo bandhigi karo waxa uu awoodi karo, Ciyaaro aanay la kulmin kooxo waaweyn  oo ay kaliya wajaheen hal koox oo ka tirsan Championship-ka balse ayna weli kulmin koox ka ciyaarta heerka koowaad ee   Premier League, ayaa siisay kooxda  Michael carrick inay iska xaadirayaan semi-final ka Carabao-cup-ka si ay u wajahaan  Chelsea.


Waxaa laga yaabaa inuu nasiib darro ku yahay inay tahay kooxda Blues kooxda ay wajahayaan oo ku jirin champions league  xilli ciyaareedkan iyadoo diirada saaraysa koobabkan maxaligaa lagana yaabo inay durbaba ka baxeen tartanka Champions League xilli ciyaareedka soo socda. Labadan lugood ayaa si buuxda diirada u saari doonaan, waxaana laga joogaa dhowr maalmood tan iyo markii ay guusha muhiimka ka heleen  Preston wareega  FA Cup.


kooxda michael carrick ayaa usbuucii hore laga soo reebay  FA-Cup0ka, laakiin  Carrick ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed xoogan kulankii Aston Villa ee isbuucaan, waxaana ay ku rajo weyn yihiin inay dhibaato u geystaan ​​Chelsea. 


Klopp ma ku hogaamin karaa Liverpool ku guulaysiga Carabao cup-ka?



Liverpool ayaa kulanka semi-finalka la ciyaari doonta kooxda Fulham iyaga oo ka shidaal qaadanaya guushii ay ka gaadheen kooxda Arsenal wareega 3-aad ee koobka FA-ga taas oo muujisay awooda ciyaarta wax ka badalka ah ee tababareheeda  Jurgen Klopp waaayo aragnimada tababarahan reer jarmal  ayaa ka dhigaya kuwa ugu cadcad hanashada koobkan.


Ciyaartii Axaddii ay guusha ka gaadheen Arsenal ayaa ahayd mid ay ay ciyaartoydiisu kalsooni ka heleen awooda tababarahooda, Liverpool ayaa nasiibkeeda fuushay intii lagu jiray qaybtii hore ee ciyaarta oo ahayd ciyaar hal dhinac oo kaliya ah kana dhacday Emirates Stadium laakiin waxaa ay uga mahad celinaysaa  Klopp oo awooday in ay dib u dagaalanto oo ay guul ka gaadho, waxa uu ahaa mid waayo aragnimo u leh isbeddelada kooxda.


Markii hore, waxaa uu sameeyay is bedelo taatiko ah waqtigii nasashada, iyadoo Klopp uu faray kooxdiisa inay dhaafaan daafaca Arsenal iyagoo si toos ah u socda. Alisson kaliya afar baas dheer ayuu sameeyay qeybtii hore ee ciyaarta; kii labaadna waxa uu sameeyay 10, Si lama filaan ah, Liverpool waxa u suurtagashay in burburiso daafaca Arsenal iyadoo ku dishay weerarka rogaal celiska.


Liverpool ayaa isbedel samaysay qaybtii labaad laakiin Klopp halkaas kuma joogsan  iyadoo ciyaarta ay weli ku sii socoto 0-0, wuxuu sameeyay labo bedel kaasoo ahaa Diogo Jota iyo Ryan Gravenberch oo bedelay Cody Gakpo iyo Alexis Mac Allister.


Isbeddelladaas uu sameeyay Klopp  ayaa u ogolaaday inuu u dhaqaaqo Darwin Nunez dhanka bidix, halkaasoo uu ka helay jaanis, iyadoo uu sameeyay isbeddel kale oo laba jibaaray fursada Reds  iyadoo da’yarta Conor Bradley iyo Bobby Clark uu kusoo bedely Harvey Elliott iyo Curtis Jones. Arsenal waa ay isku dhaceen. Wax yar ka dib, way ku guulaysteen inay gaadhaan shabaqa kooxda arteta.


Taageerayaasha Liverpool ayaa rajeyn doona inay arkaan kooxdooda oo guul kala soo laabatay kulanka semi finalka lugta hore marka ay Fulham soo  booqato Anfield Arbacada, kooxda klop ayaa ku guulaystay Carabao cup ka xulu ciyaareedkii 2021/22 iyagoo rajaynaya laba sano kadib inay markale ku guulaystaan.


Silva ma ku  hogaamin karaa Fulham  ku guulaysiga Carabao cup-ka?


Markii Marco Silva uu soo afjaray wararka la isla dhexmarayo ee ku saabsan mustaqbalkiisa isagoo qandaraas cusub u saxiixay Fulham bishii October, wuxuu sheegay inuu doonayo inuu kooxda ku hogaamiyo guulo waaweyn.


Semi-finalka koobka League Cup-ka markii ugu horeysay ay soo gaadho fulham ayay wajihi doonta reds, iyadoo la sugayo kulanka arbacada in kooxda silva ay ka gudbi doonto imtaxaanka adag ee ay ku wajahayso kooxda hogaaminaysa horyaalka cili ciyaareedkan. 


fulham ayaa soo bandhigtay xili ciyaareed cajiibka xili ciyaareedkan  5-0 ku gaadhay premier premier laba kulan oo isku xigay oo ay ka gaadhay kooxaha west ham & nottingham forest sidoo kale Guushii ay Arsenal kaga gaadhay kooxda silva habeenkii sanadka cusub ayaa hoosta ka xariiqday tayada kooxda fulham.


 Liverpool ayaa guul cidhiidhi ahayd ku gacan saraysay markii labada kooxod iska hor yimaadeen kulan kusoo idlaaday  4-3 kulan ka tirsanaa horyaalka  Premier League bishii hore, Trent Alexander-Arnold  ayaa badbaadiyay kooxdiisa isagoo daqiiqadii 88-aad u dhaliyay Reds goolka guusha.  


Dhammaan cadaymahaas ayaa muujinaya in Fulham ay markale dhibaato u keeni karto Liverpool marka ay iska hor imaadaan arbacada kulan ka  dhacaya garoonka Anfield. 


Ahmet jama

madasha xariif.net waxaad ka helaysaa dhamaan wararkii ugu danbeeyay ee cciyaaraha caalamka.

Post a Comment

Previous Post Next Post