Brentford striker Ivan Toney has responded to reports linking Chelsea & Arsenal

 




Ivan Toney ayaa sabtidii dhaliyay seddexleey kooxda Brentford's B iyadoo weeraryahanka uu ku sii dhawaanayo inuu garoomada ku soo laabto ka dib sideed bilood oo ganaax ah.


Toney ayaa ciyaaray 75 daqiiqo kulankii ay 5-1 kaga badiyeen kooxda Southampton ee da'doodu ka hooseyso 23 jirada, isagoo labo gool dhaliyay qeybtii hore ee ciyaarta ka dib inta uusan dhameystirin seddexleydiisa qeybtii labaad.


Ganaaxa 27-jirka ayaa dhamaanaya 17-ka Janaayo laakiin waa loo ogol yahay inuu ciyaaro kulamada saaxiibtinimo ee albaabada u xiran yihiin.


Markii ugu dambeysay uu gool ka dhaliyay kulan saaxiibtinimo waxa ay ahayd markii ay ka hor tageen  kooxda reer Talyaani ee Como bishii October.


Tony, oo 21 gool u diiwangeliyay Brentford xilli ciyaareedkii hore, ayaa qarka u saaran inuu soo laabto Premier League kulanka kooxdiisu gurigeeda kula ciyaari doonto Nottingham Forest 20ka Janaayo.


Arsenal iyo Chelsea ayaa labadaba lala xiriirinayaa weeraryahanka, iyadoo maamulaha Brentford Thomas Frank uu sheegay inay noqon doonto "wax aan la rumaysan karin" in lagu arko  Toney meel ka baxsan GTech Community Stadium.


Frank, si kastaba ha ahaatee, wuxuu kalsooni ku qabaa in weeraryahanka England uu sii joogi doono kooxda wixii ka dambeeya suuqa kala iibsiga ee Janaayo.


"Jawaabta aadka u gaaban waa haa," ayuu yidhi Frank, markii la waydiiyay in Tony uu joogi doono iyo in kale.


“Waa ciyaaryahan Brentford ah, halkaan ayuu joogaa, waxaan tabeynaa dhowr ciyaaryahan oo weerar ah, mana  karo sababta aan isaga u  iibineyno, waxaan jeclaan lahaa inuu halkaan joogo muddo dheer.


"Ma aha aniga inaan ka hadlo (dalab), laakiin haddii ay noqoto inaan iibino, waxay u baahan doontaa qiimo aan la rumaysan karin, sidaas darteed halkan ayuu joogi doonaa."


Ivan Toney ayaa sheegay inuu doonayo inuu dib ugu soo noqdo  Brentford si uu uga saaro dagaalka heerka labaad ee qaybta labaad ee xilli ciyaareedka ka dib markii ay kooxdu taageertay intii lagu jiray siddeed bilood oo uu ka ganaaxnaa ciyaaraha.


Wareysi gaar ah oo uu siiyay Sky Sports iyo Daily Mirror , Toney wuxuu si qoto dheer uga hadlay waqtigiisii ​​​​ciyaaraha ka dib markii uu dhameystay ganaaxiisii ​​232 cisho jebinta sharciga FA-ga ee sharadka kubada cagta.


Weeraryahanka Brentford, oo maqnaa tan iyo bartamihii bishii May, ayaa ku soo laaban doona Premier League kulanka kooxdiisu soo dhawaynayso Nottingham Forest 20ka Janaayo.


Tony ayaa dib u soo laaban doona isaga oo la isla dhexmarayo mustaqbalkiisa Brentford - iyadoo weeraryahanka lala xiriirinayo labada kooxood ee Arsenal iyo Chelsea - iyagoo og inuu yahay ciyaar yahankii wacdaraha ka sameeyay  isagoo u dhaliyay kooxdiisa  20 gool Premier League xilli ciyaareedkii hore.


Laakiin xiddiga heerka caalami ee dalka England ayaa kalsooni ku qaba inuu ka caawin karo Brentford inay ka fogaato inay u laabato heerka labaad ee xilli ciyaareedka, islamarkaana uu awood u leeyahay inuu ku badbaadin karo kooxdiisa isagoo ka caawinaya  goolal.


"Kooxdu waxay igaarab taagnayd xoogaagii ugu horreeyay, taageerayaashu way igarab taagnaayeen, taas oo ahayd qayb wayn," ayuu yiri Toney.


"Xitaa markii aanan joogin ciyaarahooda, waxay ku heesayeen magacayga. Waxaana ka helay fariimo badan baraha bulshada, saaxiibkay ayaa ii soo diray muuqaal ay taageerayaashu ku heesayaan magacayga, waxaan helay goos goossi aan u ogaado inay " Weli i garab taagan yihiin, in kastoo aanan meesha joogin.


"Qof walba waa ogyahay in Brentford ay tahay koox qoys, waxay ii ahaayeen wax cajiib ah aniga, uma mahadcelin karo iyaga, gaar ahaan taageerayaasha, waxay igarab taagnaayeen daqiiqaddii ugu horeysay sidoo kale. Markaa waa nooc ka mid ah inaan haysto wax badan."


Toney waxa uu la soo laaban doonaa Brentford oo ku jirta kaalinta 16-aad, afar dhibcood ka sarreeya aagga dib-u-celinta iyo hal guul oo kali ah sagaal kulan oo uu ciyaaray tartamada oo dhan.


Brentford ayaa sidoo kale dhaawacyo waqti dheer ah ka qaba weeraryahanada Bryan Mbeumo iyo Kevin Schade, halka Yoane Wissa uu haatan koobka qaramada Afrika kula jiro DR Congo.


Ciyaartoyda muhiimka ah sida Aaron Hickey iyo Rico Henry ayaa sidoo kale miiska daawaynta saaran, ciyaartoyda Brentford ayay sii badanaysay dhaawac yadoodi sidoo kale waxa ay maalmihii ugu danbeeyay   seegay ciyaartooyo waxa dhaawacyo ka soo gaaray koox kasta oo Premier League ah xilli ciyaareedkan.


“Marka ay joogaan Brentford, waxa ay ku dhibtoonayaan waqti xaadirkan laakiin waan hubaa marka aan soo laabto in aan qayb weyn ka ciyaari doono si aan uga saaro qaab ciyaareedkii lumay ee ay ku jireen,ma sugi karo in aan soo laabto inaan caawiyo saaxiibadeyda kooxda,” ayuu yiri Tony.


Markii la weydiiyay haddii uu jiro wax cadaadis ah oo lagu bixinayo marka loo eego xaalada halista ah ee Brentford, Tony wuxuu ku jawaabay: “Maya runtii maya. Cadaadis ma ahan, kaliya waa farxad inaan dib ugu soo laabto garoonka."


“Qof walba oo ku sugan Brentford wuu ogyahay inaan ku dadaali doono inaan isku dayo inaan kooxda ka saaro dhibaatada xili ciyaareedkan   aan ku jirno.


“Laakin cadaadis ma jiro xitaa hadii uu jiri lahaa ma dareemi laheyn taas ayaana ah waxa horay ii sii wada.


"Brentford, waxaan horay u joognay halkan, waana ognahay sida looga baxo."


Toney waxa kale oo uu ammaanay maamulaha Brentford Thomas Frank, oo ay weheliyaan inta kale ee kooxda koowaad ee Brentford, sidii ay u siiyeen taageero intii lagu jiray ganaaxii.


Weeraryahanka ayaa sidoo kale ka hadlay saameynta kabtanka hadda ee Brentford Christian Norgaard uu ku lahaa ka hadalka xaalada uu ku jiray, iyadoo kabtankii hore ee kooxda Pontus Jansson uu sidoo kale la soo xiriiray isaga oo laga mamnuucay.


"Thomas Frank waxba ma ahayn laakiin caawimadii ugu waynayd ee aan waydiisan karay - kooxda oo dhan aya uu i siiyay ," Tony ayaa yidhi.


"Waan dhex mari karaa dhamaan kooxdii fariimaha ii soo dirtay, gaar ahaan kabtankii hore ee halkaas joogay, Pontus, oo igala hadlayay xaalada oo dhan.


"Christian Norgaard sidoo kale. Wuu i fadhiisiyey oo igu yidhi: 'sidee tahay? Sidee baad tahay? Taasina waxay ka dhigan tahay wax badan, in qof si dhab ah iila fadhiisto oo uu i weydiiyo su'aashaas.


" wuxuu ii sheegay Shakhsiyaddaydu waa shakhsiyad xooggan, mar walbana waxaan ahay qofkan bubbly-ka ah. Laakiin qof si dhab ah kuu fariisiyo oo ku weydiiyo, inkastoo aan had iyo jeer aaminsanahay inaan wanaagsanahay  wuxuu idhahay xitaa marka aanad fiicnayn, waan fiicnaan doontaa - wax badan ayuu ula jeeday sababtoo ah waxay muujisay inuu dhab ahaantii daneynayo xaaladayda.


"Dhammaan saaxiibada kale waxay ii soo direen fariin si ay iiga waraystaan xaaladayda macnaheedu waa wax badan."

Ahmet jama

madasha xariif.net waxaad ka helaysaa dhamaan wararkii ugu danbeeyay ee cciyaaraha caalamka.

Post a Comment

Previous Post Next Post