England midfielder Jordan Henderson is close to joining Ajax





 Ciyaaryahanka khadka dhexe ee England Jordan Henderson ayaa ku dhow inuu ku biiro Ajax ka dib wax ka yar lix bilood oo uu ku sugnaa kooxda Saudi Arabia ee Al-Ettifaq.


Waxaa uu u diyaar garoobayaa imaatinka Amsterdam balse wali wax heshiis ah laguma dhawaaqin.


Wafdi ka socda Ajax ayaa galabta u duulaya Manchester si ay ula kulmaan wakiilada Jordan Henderson ayna isku dayaan inay dhamaystiraan qandaraaskiisa.


Kooxda reer Holland ayaa diyaar u ah inay u soo bandhigto heshiis 18 bilood ah oo ay weheliso  dookh sanad kale ah, laakiin wakhtigaas ayaa sidoo kale lasii  kordhin karaa.


Ciyaaryahanka khadka dhexe, oo 33 jir ah, ayaa saxiixay heshiis seddex sano ah oo uu ku kacayo £700,000 oo gini todobaadkii Al-Ettifaq markii uu kaga soo wareegay kooxda Liverpool heshiis aduun dhan 12 milyan ginni bishii July.


Si kastaba ha ahaatee, wararka ayaa sheegaya inuusan ku faraxsanayn oo uu doonaya inuu ku laabto Yurub.


xidigii hore ee Sunderland iyo liverpool, oo ahaa taageere caan ah oo ka tirsan bulshada u ololaysa LGBTQ+ waqtigii uu ku sugnaa Anfield, ayaa dad badan ku dhaleeceeyeen inuu u guuray Sacuudi Carabiya, halkaas oo falalka galmo ee dadka isku jinsiga ah ay sharci darro yihiin.


Waxa uu sheegay in uu "aad u dhaawacay" dhaleeceynta, isaga oo intaa ku daray in ujeeddadiisu ay had iyo jeer ahayd "caawinta dadka iyo qawmiyadaha".


Qaar ka mid ah jamaahiirta England ayaa ku ooriyay Henderson kulankiisii ​​ugu horeeyay ee uu ku soo laabto dalkiisa intii lagu jiray kulankii saaxiibtinimo ee ee England ay kaga badiyeen Australia garoonka Wembley bishii October.


Ajax ayaa ilaa hadda ku jirta  tartan  adag oo ay ku rabto inay kor iskugu  soo qaado iyadoo ku jirta kaalinta shanaad waxyna  23 dhibcood ka dambeeya kooxda hogaanka haysa ee PSV Eindhoven.


Haddii heshiiska si degdeg ah loo soo gabagabeeyo, Henderson ayaa laga yaabaa inuu kulankiisii ​​ugu horreeyay u safto kooxda reer Holland, Ajax waxay axada Eredivisie ku wajihi doontaa RKC Waalwijk.


Haddii kulankaas uu si wanaagsan u dhaco, kooxda reer Holland ayaa diyaar u ah inay si degdeg ah u abaabulaan tijaabada caafimaadka si ay u diiwaan gashadaan inuu ciyaaro usbuuca.


Waxay aaminsan yihiin in Henderson uu ka caawin karo inay u soo baxaan tartanka Yurub Champions-ka inta lagu jiro xili ciyaareedka inta ka dhiman.


Al Ettifaq ayaa ogolaatay in la joojiyo qandaraaska ciyaaryahanka khadka dhexe si loo fududeeyo ka dhaqaaqista Sacuudi Carabiya.

Henderson waxa uu 19 jeer u ciyaaray Al Ettifaq, kaas oo saaxiibkii hore ee Liverpool Steven Gerrard uu tababare u ahaa.



Kaveh Solhekol oo ah madaxa Sky Sports

"Xidhiidhka kubbadda cagta  Saudi Arabia iyo Al Ettifaq way ku faraxsan yihiin in si degdeg ah loo soo gabagabeeyay si qof walba uu hore ugu socdo."


“Waxay og yihiin in Henderson uu ahaa xirfadle ku wanagsan kooxda laakiin waxa ay aqbaleen in aanay qasbin oo ay u ixtiraamaan rabitaankiisa ah in uu baxo."


“Markii ay caddaatay inuu doonayo inuu baxo, kooxda Al Ettifaq ma aysan hor istaagin jidkiisa, xaqiiqdii waxay si degdeg ah ula socdeen bixitaankiisa si ay ganacsi uga sameeyaan.


“Heshiiskiisa waxaa lagu burburin doonaa xaalado dhaqaale taasoo la micno ah in kooxdu aysan dhab ahaantii lumin doonin.


"Qof walba wuxuu isku dayay inuu ku qanciyo kooxda sii joogisteeda, ma aysan dhicin, qofna ma eedeynayo, ma jiro qof xanaaqsan, mana jiraan dareen adag, waa qayb ka mid ah kubada cagta iyo nolosha."



Khabiirka kubada cagta Holland Marcel van der Kraan:

"Arrimuhu si degdeg ah ayay hadda u socdaan, Amsterdam oo dhanna waa mid faraxsan.


“Taageerayaasha Ajax ma rumaysan karaan in ciyaaryahan heerkiisu sarreeyo sida Jordan Henderson uu dhab ahaantii ku biirayo.


"Waxay ku dhowdahay boqolkiiba 99 hadda inay dhabowdo - kaliya saxeexyadu waa inay dhacaan."


"Markii hore waxa uu ahaa heshiis 18 bilood ah, laakiin sida aan hadda fahmay, waxa uu noqon karaa heshiis joogto ah oo laba sano iyo bar ah. Taasi waxay noqon doontaa go'aanka kaliya ee lagu gaari karo wada xaajoodka soo socda.


"Waxaan  filaynaa Jordan subaxnimada Khamiista inuu kasoo degi doono  Amsterdam si uu tijaabada caafimaadka u maro.


“Ma jirto wax lacag ah oo lagu kala wareegayo laakiin waxa aan ognahay ayaa ah in Jordan uu ku qasban yahay in uu iibsado qandaraaskiisa. Waxa uu heshiis kula jiray Al Etiffaq waxana uu doonayaa in uu jabiyo taas – ciyaartoygu waa in uu bixiyaa lacag weyn. magdhow lagu siiyo.


"Marka la eego mushaharka, Ajax waxay ku qasban tahay inay bixiso lacagta ugu badan ee ay abid siiso ciyaaryahan."

Ahmet jama

madasha xariif.net waxaad ka helaysaa dhamaan wararkii ugu danbeeyay ee cciyaaraha caalamka.

Post a Comment

Previous Post Next Post