Brentford striker Ivan Toney ends eight-month ban from football




Weerar yahanka kooxda Brentford ee Ivan Toney ayaa soo afjaray ganaaxii 8-da bilood ahaa ee ka saarnaa kubada cagta kadib markii uu soo dhigay baraha bulshada isagoo ku dhawaaqaya inuu "xor yahay".


Toney, oo 27 jir ah, ayaa hadda awood u leh inuu u ciyaaro kooxdiisa Brentford  ka dib markii lagu ganaaxay jebinta xeerarka khamaarka ee Kubadda Cagta.


Tony ayaa Brentford u dhaliyay 32 gool 64 kulan oo Premier League u ciyaaray.


Toney ma uusan ciyaarin ciyaar tartan ah tan iyo 6dii March 2023 kadib markii uu jebiyay sharciga sharadka FA-ga waxaana lagu soo rogay ganaax siddeed bilood ah isagoo ka maqnaan mudadaaa dhammaan  kubbadda cagta.


 Maalintii ugu dambeysay ee xilli ciyaareedka 2022-23 ee Premier League, Brentford ayaa 1-0 ku garaacday Manchester City waxayna xaqiijisay inay ku dhameysteen horyaalka heerka koowaad  iyagoo fadhiistay kaalinta 9aad.


 Kooxda koowaad iyo shaqaalaha qolka danbe ayaa kula dabaal degay qoysaskooda garoonka dhexdiisa halka macalinka kooxda Thomas Frank uu jeediyay khudbad dareen leh.


Hal qof ayaa ka maqan damaashaadka waxaana uu ahaa Ivan Toney oo udub dhexaad u ahaa guushii ay gaadheen isagoo dhaliyay 20 gool 33 kulan oo uu saftay, waxa uu daawanayay waxa ka dhacayay garoonka.


Dhawr toddobaad ka hor, May 17 keedi, Toney waxaa laga ganaaxay inuu ciyaaro kubbadda cagta muddo siddeed bilood ah ka dib baaritaan sannad socday oo xiriirka kubbadda cagta uu ku sameeyay dhaqdhaqaaqiisa khamaarka, Halkii uu ka caawin lahaa saaxiibadiisa inay garaacaan kooxda heysata horyaalka Pep Guardiola, wuxuu ku jiray tarabuunka.


Markii ugu dambeysay ee Toney uu ciyaaro tartan rasmi ah waxay aheyd guuldaradii 1-0 ee Brentford kasoo gaartay Liverpool garoonka Anfield bishii May ee lasoo dhaafay, laakiin ganaaxiisa ayaa dhacaya maanta (Arbaca), Tony  ayaa soo laaban doona kulanka Nottingham Forest usbuucan.


Brentford ayaa laga badiyay shan kulan oo isku xigta oo horyaalka ah, waxaana ay kaliya seddex dhibcood ka sareeyaan booska loogu laabto heerka labaad. Labo iyo toban bilood ka hor, Toney waxa uu ahaa mid ka mid ah weeraryahanada ugu wanagsan horyaalka isagoo qaab ciyaareedkiisa ku mutaystay inuu u safto England . Brentford waxay u baahan tahay Toney in ka badan sidii hore.


Laakiin, ka dib muddo dheer oo uu ka maqnaa garoomada caalamigaa, miyuu dib u heli karaa qaab ciyaareedkiisii ​​ugu fiicnaa?


FA-gu waxa ay Toney su’aalo ka waydiiyeen hawlihiisa khamaarka markii ugu horreysay bishii june 2022. Waxa ay falanqeeyeen diiwaanka telefoonkiisa iyo kaadhadhka bangiga ka hor inta aan waraysiga labaad la qaadin Oktoobar.


Ugu dambeyntii waxaa lagu soo oogay inuu garoomada ka maqnaado mudo 262 cisho  jebinta qawaaniintooda, inkastoo FA-ga uu markii dambe la laabtay 30 cisho.


Weeraryahanku waxa uu ka qayb galay dhegaysi dacwada bishii March 2023 halkaas oo uu qirtay  eedaymaha qaar kamida, oo ay ku jiraan sharad uu naftiisa ku galay in uu gool dhaliyo iyo in kooxdiisu guuldarraysato .


 Dr Philip Hopley - lataliye ku takhasusay cilmi nafsiga - ayaa kadib  soo gudbiyay warbixin ku saabsan in dhageysiga dacwada uu soo gabagabeeyay Toney " wuxuu leeyahay taariikh cad oo qabatinka khamaarkaa  waxaa loo baahan yahay daaweynta si wax looga qabto arrinta."


Markii xayiraadda lagu dhawaaqay, Tony wuxuu fasax u aaday Dubai. Phil Giles, oo ah agaasimaha kooxda ee kubada cagta, ayaa ku dhiirigaliyay weeraryahanka inuu ka faa’ideysto fursada uu ka maqan yahay shaqada si uu ugu nasto, maskax ahaana u soo kabsado.


 Inta lagu jiro xagaaga intiisa kale, wuxuu booqday Ibiza, Mykonos iyo Morocco, wuxuuna ka qaybgalay Grand Prix ee Britishka ee Silverstone Frank, isagoo kala qayb galay Giles iyo saaxiibada Ethan Pinnock , Vitaly Janelt , Mads Roerslev iyo Rico Henry .


Bishii ugu horeysay ee ganaaxiisii, way ku adkeyd inuu daawado ciyaaraha, wareysi uu siiyay Sky Sports usbuucii hore, wuxuu qirtay "waxaa jirtay marxalad aan ka baxay jacaylka kubada cagta". 

Fasaxa la kordhiyay ayaa ku qasbay inuu ka fikiro nolosha kale  waxa uu qaban lahaa marka uu kubada ka fariisto,  Waxa uu wadaa qorshayaal uu ku furayo ganacsi u gaar ah oo uu ku soo saarayo astaanta dharka.


Dhowrkii bilood ee ugu horreeyay xilli ciyaareedka, xaadiritaanka Toney ee ciyaaraha Brentford waxay ahayd mid yar  laakiin, toddobaadyadii la soo dhaafay, wuxuu fadhiyey kursiga gadaashiisa  waxaana uu soo muuqday ka dib markii weeraryahankii hore ee kooxda Ollie Watkins uu u dabaaldegay goolkii uu ka dhaliyay Brentford ciyaartii ay Aston Villa 2-1 kaga badiyeen December 17.


Shuruudaha ganaaxa Toney ayaa la macno ah in loo ogolaaday inuu ciyaaro kulamada saaxiibtinimo ee albaabada u xiran yihiin si loo dhiso taam ahaanshihiisa tan iyo Sebtembar. Bilowgii Oktoobar, wuxuu ciyaaray markii ugu horreysay muddo shan bilood ah markii kooxda Brentford ee B ay barbaro 2-2 ah la gashay kooxda Talyaaniga ee Como garoonka AFC Wimbledon.


Waxa uu dhaliyay gool cajiib ah, kaas oo uu ka soo muuqday kubad dhiillo leh oo uu ku tuuray goolhayaha Como ka hor inta aan la badalin daqiiqadii 61-aad ee ciyaarta.


Isku soo wada duuboo dib ugu soo laabashadiisa tartan rasmi ah kahor waxa uu u ciyaaraay kulan ciyaartoyda da'yarkaa, Toney waxa uu saddexlay u dhaliyay kooxda Brentford's B kulan ay albaabadu u xidhnaayeen oo ay la yeesheen Southampton ciyaartoyda da'doodu ay ka yar tahay-23 jirada, sabtidii horena waxa uu dhaliyay rigoore  kulan saaxiibtinimo ay la yeesheen kooxda  Brondby.



Tababaraha Brentford  Thomas Frank:


"Waxay la mid tahay saxeexa weeraryahan Premier League ah oo dhalin kara 20 gool sababtoo ah waa uu caddeeyey xili ciyaareedkii hore," ayuu yiri maamulaha Brentford  Thomas Frank oo ka hadlayay Toney soo laabashadiisa.


Horaantii bishaan, waxa uu dhaliyay seddexley kulankii ay Brentford B 5-1 kaga badisay Southampton ’s Under-23s, waxaana uu dhaliyay rigoore guuldarro 3-1 ah oo ka soo gaartay Brondby sabtidii hore. Bandhigyadaas ayaa Frank ku tilmaamay Tony inuu yahay "sida saxiix cusub".


“Koox walba way ku faraxsanaan lahayd inay la soo saxiixdaan ciyaartoy tayo leh oo isaga oo kale ah, Ivan waa ciyaartoy sare laakiin sidoo kale aad ayuu ugu fiican yahay inuu kooxda oo dhan ka dhigo mid wanagsan”.


"Ivan waa shakhsiyad gaar ah," Frank ayaa raaciyay. "Garoonka ka baxsan: togan, tamar, dhoola cadeyn taas ayaana wax badan u keenta kooxda  Way isu soo dhawaynaysaa, Mar kasta oo uu tababarto wuxuu rabaa inuu guuleysto. Waa qayb ka mid ah ku dhiirigalinta qof kasta oo  jooga garoonka tababarka.”


"Haddii Ivan uu kusoo bilowdo kulankaa, shaki kuma jiro inuu jeclaan lahaa inuu soo laabto, isagoo si fantastik ah u ugu soo laabnaya shaashada," ayuu yiri Frank ka dib waraysi uu bixiyay  Salaasadii markii ay guuldarada kala kulmeen Wolverhampton Wanderers wareega seddexaad ee FA Cup.


“Wuxuu tabay ciyaarista kubbada cagta, waxa uu seegay ka mid noqoshada kooxda, waa koox uu si dhab ah ugu raaxaysanayo ka mid noqoshadeeda, asxaabtiisa wanaagsan ku raaxaysanaya kubaddooda ku raaxaysanaya u ciyaarida Brentford iyo taageerayaasha”.



Toney, oo lala xiriirinayey inay xiiso u hayaan suuqa kala iibsiga  kooxaha Arsenal iyo Chelsea, ayaa lagu wadaa inuu ku soo bilowdol kulanka ay Brentford Sabtida  wajahayaan Nottingham Forest ee Premier League.


“Wax badan ayaan haystaa oo aan dib u bixiyo, mana sugi karo inta aan garoomada dib ugu soo laabanayo,” Tony ayaa u sheegay Sky Sports dhawaan, mar uu ka hadlayay taageerada ay kooxdu u muujisay intii uu ka maqnaa garoomada.

Ahmet jama

madasha xariif.net waxaad ka helaysaa dhamaan wararkii ugu danbeeyay ee cciyaaraha caalamka.

Post a Comment

Previous Post Next Post