Arsenal defender William Saliba has spoken about his team's defeat against Liverpool

 




Liverpool ayaa laba gool oo soo daahday ku garaacday Arsenal garoonka Emirates Stadium waxayna u soo baxday wareega afraad ee FA Cupka.


Arsenal ayaa iska lumisay   fursado badan oo ay hogaanka ciyaarta ku qaban kartay, waxaanay ku ciqaabtay Liverpool daqiiqadii ugu danbeeyay ciyaarta, ismari waaga ciyaarta ayaa soo af meeray markii uu Trent Alexander-Arnold kubad laad xor ah uu madaxa ku leexiyay Jakub Kiwior ciyaarta marka ay ka hadhsanayd todoba daqiiqo.


Guusha Liverpool ayaa xaqiijisatay daqiiqadihii ugu dambeeyay markii ay goolka labaad   Luis Diaz uu darbo xoogan ku dhameystiray goolhayaha Arsenal Aaron Ramsdale.


Kooxda Mikel Arteta ayaa ciyaarta gacanta ku heysay qeybta hore ee ciyaarta, iyadoo Martin Odegaard uu birta ku dhuftay halka Reiss Nelson iyo Kai Havertz ay sidoo kale heleen fursado ay u bedeli kareen goolal.


Liverpool, inkasta oo uu xanuun ku waayeen kabtan Virgil van Dijk iyo Mohamed Salah oo ka qayb galay koobka qaramada Afrika, haddana waxa ay soo bandhigeen qaab ciyaareed wanaagsan, Alexander-Arnold ayaa birta garaacay qeybtii hore ee ciyaarta, Diaz,Diogo Jota  ay heleen fursado halisa. 


Sida ka muuqatay ciyaartoyda Arsenal iyo Liverpool ayaan midkoodna rabin in ciyaartu barbaro noqoto si ay u ciyaaraan kulan kale , nasiib wanaag  Kiowor ayaa ugu danbayn tii ciyaarta iska dhaliyay goolkii koowaad kubad madax ah, Diaz ayaa raaciyay goolkii labaad kubad uu ka helay jota, kooxda  Jurgen Klopp ay u gudbi doonto wareegga afaraad.


si kastaba ha ahaatee William Saliba ayaa ku booriyay ciyaartoydayda iyo taageerayaasha inay si wada jir ah isula jaan qaadaan ka dib markii aan ka soo hadheen koobka FA Cup-ka ee gacanta Liverpool kulan ka dhacay garoonka Emirates Stadium.


Guuldaro 2-0 ah oo ka soo gaartay Reds ayaa keentay inay tartanka ka hadho Arsenal  inkasta oo aay soo bandhignay qaab ciyaareed xoogan kaas oo u muuqday in ay marar badan ku tijaabiyaan goolkii uu waardiyaa ka yahay  Alisson ka hor inta aan laba gool laga dhalin qaybtii dambe ee kulanka.


xidiga udhashay Faransiiska ah, oo ka mid noqon doona kooxda safarka ah ee u socota Dubai si uu u helo tababar cimilo diiran toddobaadka soo socda, wuxuu aaminsan yahay in haddii qof kastaa uu sii wado hore u socodka  waxaan awoodi doonaa inaan dib u soo celino qaab ciyaareedkeeni wanaagsanaa marka a dhowr toddobaad gudahood booqasho ugu tagaan Crystal Palace.


Isagoo ka hadlaya ciyaarta ayuu yidhi: “Runtii aad ayaan u niyad jabay sababtoo ah si fiican ayaan ciyaarta ku bilaabanay. Waxaan helnay fursado badan oo aan goolal ku dhalin karno, laakiin ma aanan sameynin. Xataa qeybtii labaad, waan fiicneyn, nasiib darro waxaa nalaga dhaliyay hal laad xor ah 10 daqiiqo ka hor [dhamaadka ciyaarta].


“Waa inaan horay u dilnaa ciyaarta, sababtoo ah marka aan helno fursado badan oo sidan oo kale ah, waa inaan gool dhalinaa. Waa inaan si fiican u difaacnaa laadadka xorta ah, sidaan oo kale uma dhalin karno, marka runtii maanta ayaan niyad jabi karnaa.


“Waa inaan isku duubnaanaa. Waan ognahay in aanan ku jirno waqtigii ugu fiicnaa, laakiin ma quusan doono oo waan soo laaban doonaa xitaa si ka sii xoog badan.


"Wax badan ayaan shaqayn doonaa inta lagu jiro nasashadan, waxaan neefsan doonaa xoogaa. Waanu isku xidhnaan doonaa oo waanu soo noqon doonaa anaga oo xoog iyo si ka sii fiican."


"Waxaan ka soo baxnay FA Cup wareeggii seddexaad iyadoo Liverpool ay laba gool soo daahday naga dhalisay si ay nooga reebto tartanka, waxaadna ka arki kartaa waxqabadka ugu fiican ee aan samynay waxaan soo bandhignay kubad xiiso leh."


Arsenal ayaa Fursado badan  abuurnay qaybtii hore ee ciyaarta, Martin Odegaard ayaa ugu soo dhawaaday inuu gool dhaliyo markii uu birta birta ku garaacay, laakiin Reds ayaa soo fiicnaanaysay ciyaarta ka dib, markii ay 10 daqiiqo socotay Jakub Kiwior ayaa kubad laad xor ah oo uu soo qaaday Arnold  ayaa hogaanka u dhiibay kooxdiisa.


Arsenal ayaa isku dayday inay hesho goolka barbarahaa balse  Luis Diaz ayaa dhaliyay gool labaad daqiiqadii ugu dambeysay ee waqtigii dhimashada si uu ciyaarta guusha u siiyo liverpool una soo afjaro xiisihii ay u qabtay arsenal inay ciyaarta kusoo laabato kooxda arteta ayaa tartanka xilli ciyaareed kale macasalaamaysay.


"Waxaan ka soo baxnay wareega seddexaad ee FA Cup oo aan la ciyaarnay Liverpool labo gool oo soo daahay, waxaadna daawan kartaa ciyaarta ku celiska ah oo dhameystiran."


"Ciyaarta oo fursado badan laga helay, gool uu iska dhaliyay Jakub Kiwior iyo gool caaqibo leh oo uu dhaliyay Luis Diaz ayaa keentay in Liverpool ay u gudubto wareega xiga ee tartanka."

ayuu kusoo gababeeyay daafaca arsenal hadalkiisa


 Tababaraha Arsenal oo ka hadlay guuldaradii wuxuu yidhi:


“Hagaag qaab ciyaareed fiican a ayay sameeyeen wiilashu fursadaha sidoo kale, kaliya waxa ay ahayd inaan badino ciyaarta, laakiin waan luminay, mana ka faa’ideysan, si aan u badino kulamada waxaan u baahanahay inaan ka faa'ideyno.


“Marka aad ka fiican tahay kooxda ugu fiican Yurub oo aad abuurto fursadaha intaa le’eg...Ma aanan arkin koox ka hortimaada sidii aan samaynay oo kale. kooxda Yurub hadda maxaan samayn karaa oo aan iyaga ku dheganahay?


“Waa niyad jab laakiin maxaan sameyn karnaa, uma sheegi karo inay si xun u ciyaaraan, ha toogan, oo ay gool iska dhaliyaan, kuma filna, xaqiiqadu waxay tahay kuma filna.


“Dhageyso [ma waxaan dhahaa] u ciyaar si ka liidata Liverpool, ka sii liidata, waana guuleysaneynaa kulanka, marka kooxdeyda ay ku ciyaareyso kalsoonidan maxaan sameyn karaa, wali waan ka dambeeyaa iyaga 100%, waa waxa ay tahay waana heysanaa. si aad u sii wada ciyaarto si la mid ah oo aad u noqoto mid hufan."



Arsenal ayaa haatan laga badiyay seddexdii kulan ee ugu dambeysay tartamada oo dhan.


Alexander-Arnold  oo ka hadlay guuldaradii wuxuu yidhi:


"Waxaan wax ka bedelnay waqtigii nasashada  gudaha, waxaana soo baxnay oo aan ciyaarnay kubbadda cagta, waxaana abuurnay fursado," Alexander-Arnold ayaa yiri.


"Waxaa jiray waqtiyo qeybtii hore ee aan  yara caajisnay ... Waxaan garaacnay birta dhowr jeer, sidaas darteed waxaan helnay fursadaheena, iyo dhamaadkii, waana samaynay."


Kai Havertz ayaa ka faa’iidaysan kari waayay laba fursadood oo fiican iyada oo Arsenal ay ku fashilantay in ay shabaqa  Liverpool ay gaadho, inkasta oo Alexander-Arnold uu birta u garaacay kooxda martida ahayd.


Arsenal ayaa halkeeda ka sii wadatay fursadihii ay samaysay qaybtii dambe ee ciyaarta iyaga oo uu Bukayo Saka si dar-dar leh u dhalin gaadhay kubad uu soo karoosay Declan Rice.


Liverpool ayaa markaas hurdada ka kacday iyada oo Ramsdale uu ka badbaadiyay Diaz iyo Diogo Jota oo madax ku dhan gaadhay birta ka hor inta uusan Kiwior si nasiib darro isakaga dhalin daqiiqadii 80 aad kubad uu soo karoosay Alexander-Arnold.

Ahmet jama

madasha xariif.net waxaad ka helaysaa dhamaan wararkii ugu danbeeyay ee cciyaaraha caalamka.

Post a Comment

Previous Post Next Post