Liverpool opened the new year with a win after beating Newcastle United

 



Mohamed Salah ayaa laba gool dhaliyay iyada oo Liverpool ay ugu danbayn jabisay Newcastle United si ay saddexda dhibcood  uga sii xejisato  hogaanka Premier League.


Ciyaar aan kala joogsi lahayn oo waali ah, oo ay ku sii shideen roob xun iyo dabaylo ka dhacayay Merseyside, Liverpool ayaa kubad xamaasad leh soo bandhigtay si ay  u garaacdo Newcastle laakiin waxay u muuqatay inay halis ugu jirto in lagu qabto barbaro saddexaad oo xidhiidh ah Anfield ka dib markii ay qaybtii hore ee ciyaarta wax gool ah iska dhalin.


Salah ayaa lumiyay fursadii ugu fiicneed ee furitaanka  kadib markii uu rigoore dayacay laakiin weeraryahanka oo haatan Masar ku biiri doona koobka qaramada Afrika ayaa markale soo noqday si uu hogaanka ugu dhiibo kooxdiisa, ka dibna rigoore labaad u bedelay dhamaadkii ciyaarta.


Goolkii ugu horeeyay ee uu dhaliyay waxa uu ahaa goolkiisii ​​150-aad ee Premier League ee uu u dhaliyo Reds, laakiin waxaa shan daqiiqo ka dib kansalay Alexander Isak, kaasoo gadaal ka soo galay daafacyada martida loo ahaa caawin wanaagsan oo uu ka helay  Anthony Gordon, isla markaana uu shabaqa ku hubsaday.


Liverpool ayaa si aad ah ugu cadaadisay in ay mar kale hogaanka qabato waxana uu ugu danbayntii  u keenay goolka ay ku hor martay Curtis Jones daqiiqadii 74 aad ee ciyaarta. 


Laakin waxaa soo laabtay Newcastle markii Sven Botman uu madax ku dhaliyay kubad koorno aheyd, wuxuuna ka dhigay ciyaarta 3-2 kadib inta uusan Salah guusha gacanta u galin kooxdiisa xidigan ayaa markan rikoodhe u bedelay gool.



Saddex dhibcood ayay ku hogaaminayaan iyadoo kooxda kusoo xigtaa ay tahay Aston Villa waxayna shan dhibcood ka sareeyaan Manchester City oo kulan baaqi u yahay iyo Arsenal.


Newcastle, oo ay ka maqneyd sagaal ciyaaryahan oo kooxda koowaad ah, ayaa weli ku jirta kaalinta sagaalaad.


isbedelada labada kooxood

  • Jurgen Klopp ayaa afar isbedel ku sameeyay guushii Burnley iyadoo Ibrahima Konate, Curtis Jones, Dominic Szoboszlai iyo Luis Diaz ay dib ugu soo laabteen garoonka.



  • Newcastle ayaa laba isbedel ku samaysay shaxdii ay gurigooda guuldarada kala kulantay Nottingham Forest kulankii ugu dambeeyay iyada oo Kieran Trippier uu ahaa ciwaan ka maqnaa. Isaga iyo Miguel Almiron waxay u baneeyeen Joelinton iyo Tino Livramento.









Tababaraha liverpool ee Jurgen Klopp oo la hadlaya saxaafada kulanka kadib:

Mo waa mashiinka gool dhalinta, way caawin lahayd hadii uu rigoorada ugu horeeya dhalin lahaa  boqolkiiba boqol, laakiin wax walba waa fiican yihiin waana sida ay tahay, waligiis ma joojin doono arimahan.


“Runtii aad ayay gaar u tahay… Darwin sidoo kale waxa uu helay dhawr fursadood. Wakhtigan xaadirka ah waxa aan siin lahaa lahaa boqolkiiba 99.9,  Runtii waa wax qaas ah, waa in aan idhaahdaa wow .


"Waxay ahayd ciyaar gaar ah, habeen gaar ah."




Tababaraha newcastle ee Eddie Howe oo la hadlaya saxaafada kulanka kadib:


“Wax badan ayaa dhacay, ciyaar aad loosoo buux dhaafiyay, waan ka niyad jabnay sida aan u difaacnay.


"Uma malaynayn in kan labaad uu ahaa rigoore, waxaanan u malaynayay in Sean Longstaff uu ahaa mid ka hor intaagay in taasi dhicin."


"Waa inaad soo bandhigtaaciyaar adag ma  ah inaad abuurto fursado badan, inaad naftaada u murugooto weligeed natiijo wanaagsan ma keento."


“Ciyaartoyda waxa ay bixiyeen wax walba, waxaan dib u soo celiyay tayada kooxda, waqti kadib waxaan heli doonaa natiijada aan u baahanahay”.




khabiirka  Gary Neville oo amaan kala dul dhacay liverpool:


daafacii hore ee kooxda man united ee Gary Neville ayaa amaan kula dul dhacay kooxda hogaanka imka haysa ee liverpool.


 Neviille ayaa sheegay  kooxda kaliya ee  city kula tartami karta horyaalka inay tahay xili ciyaareedkan.


 "Liverpool waa koox u tartamaysa horyaalka si macquul ah sababtoo ah meesha ay joogaan, tababarahoodu waa tababare dareen leh oo yaqaan sida loo sameeyo isbedelka, waxayna heystaan ​​seddex ama afar ciyaaryahan oo heer caalami ah. Van Dijk, Salah iyo Alisson laakiin waa inaad ku dartaa Alexander-Arnold , gaar ahaan kubaddiisu  waa mid cajiib leh.


“Ciyaartoyda taam ah iyo macalinka ay heystaan, hadii ay wadaan qaab ciyaareedkan wanaagsan waxay u badan tahay inay noqon doonaan kooxda aysan dooneynin City inay ka horyimaadaan sababtoo ah waxay ogyihiin inay horay u garaaceen”.



khabiirka  Jamie Carragher oo ka hadlay qaab ciyaareedka  liverpool


dhanka kale daafacii hore ee kooxda liverpool ayaa sheegay in weli la saadaalin karin wakhtigan horyaalka oo uu is bedeli karo.


Carragher oo warbaahinta la hadlayaa waxa uu yidhi “Taasi waa qaab ciyaareedkii ugu fiicnaa ee Liverpool xilli ciyaareedkan” ayuu yiri daaficii hore ee Liverpool Jamie Carragher oo la hadlayay warbaahinta.


“Liverpool aad ayey u dadaashay, natiijo weyn, qaab ciyaareedkaas waxa uu ahaa mid aad u wanaagsan.


"Waxaa jiray xilli ciyaareedyo badan oo Premier League ah, laakiin kama fikiri karo qaar badan oo xiiso u lahaa marka uu kala badh marayo xili ciyaareedku  sida aan hogaanka u haysano, iyo kooxo badan oo ku jira tartanka horyaalka."


Daaficii hore ee Manchester United Gary Neville ayaa yiri: “Haddii aad u sheegi lahayd Klopp bilowga xilli ciyaareedka in ay dhowr dhibcood ka sare mari lahaayeen hogaanka, ma ay rumaysteen, laakiin hadda waxay bilaabi karaan inay rumaystaan.


maxaa laga diwaan galiyay kulankan


Salah ayaa Liverpool u dhaliyay 150 gool oo Premier Leaque ah isaga oo noqday ciyaartoygii shanaad ee taariikhdan hal koox u dhaliya horyaalkan kadib Harry Kane oo Tottenham u dhaliyay (213), Sergio Agüero oo Man City u dhaliyay (184), Wayne Rooney oo Man Utd ah. 183) iyo Thierry Henry oo Arsenal u dhashay (175).


Liverpool ayaa haatan guuldarro la’aan ah 28 kulan oo isku xigta oo Premier League ah oo ay garoonkeeda ku wajahday Newcastle (23 guul iyo 5),  isku darka ayaa noqonaya 28 waana wakhtiga ugu dheer ee  aan laga badin koox gurigooda  taariikhda tartanka (Chelsea vs Everton, sidoo kale waxay socotaa 28).


Newcastle ayaa laga badiyay shan ka mid ah lixdii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League  iyagoo shan guuldaro oo xiriir ah la kulmay meel ka baxsan garoonkeeda markii ugu horeysay tan iyo Janaayo 2021.



kulamada xiga ee labada kooxood?


Liverpool ayaa u socota koonfurta si ay u wajahdo Arsenal wareega seddexaad ee FA Cup Axadda Janaayo 7;


Newcastle ayaa u safri doonta kooxda ay xafiiltamaan ee Sunderland wareega seddexaad ee FA Cup Sabtida Janaayo 6;

Ahmet jama

madasha xariif.net waxaad ka helaysaa dhamaan wararkii ugu danbeeyay ee cciyaaraha caalamka.

Post a Comment

Previous Post Next Post