Real Madrid won against Atletico Madrid in the final of the Spanish Super Cup

 





Real Madrid ayaa garaacday Atletico Madrid waqtigii dheeriga ahaa ee lagu daray ciyaarta Spanish Super Cup oo ka dhacday dalka Saudi Arabia.


Goolhayaha Atletico Jan Oblak ayaa si cajiib ah ugu badbaadiyay lugihiisa si uu u beeniyo kubad uu meel u dhow ka soo tuuray Rodrygo, natiijada ayaana lagu kala nastay qeybtii hore bar bar dhac 2-2 ah.


Atletico ayaa mar kale hogaanka ciyaarta la wareegtay daqiiqadii 78-aad kadib markii ay iska dhaliyeen daafaca real iyo goolhaya ayaa waxa khalkhal galiayay weeraryahanka morata nasiib wanaag waxa iska dhliyay daafaca Rudiger goolhaye Kepa Arrizabalaga ayaa awoodi waayay inuu badbaadiyo kubada oo uu arkay inay sii galayso shabaqa.


Real ayaa la timid goolka bar-baraha waxaana u dhaliyay Dani Cavajal kaas oo gool u badalay kubad rogaal celis ah kadib markii Oblak uu laba goor ka badbaadiyay Vinicius iyo Jude Bellingham.


 Joselu ayaa madax ku dhaliyay kubad   shabaqa Atletico ku hubsaday shan daqiiqo markii ay socotay waqtigii dheeriga ahaa ee lagu daray ciyaarta, si uu hogaanka ugu dhiibo kooxda real madrid.


Ciyaartii ugu danbayntii waxa guusha gacanta u galiyay  kooxdiisa  Diaz markii uu dhameystiray weerar rogaal celis ah oo uu kasoo  toogtay shabaq oo maran meel fog, goolhaya  Oblak ayaa isku dayay in uu difaaco goolka isagoo hore uga soo baxay  xerada ganaaxa Real balse waxa uu noqday goolkii 5aad ee real ku xaqiijisatay guusha si ay iskaga xaadiriso finalka. 


“Waxaan u sheegay ciyaartoydeyda inaan runtii ku faano, waxay soo bandhigeen ciyaar aad u wanaagsan, aad ayaana isugu dhownahay, laakiin waxay ahayd natiijo nasiib darro ah...” ayuu tababaraha Atletico Diego Simeone u sheegay Movistar Plus.


Ciyaaryahanka Atletico Mario Hermoso iyo Antonio Rudiger oo Real ka tirsan ayaa madax u dhaliyay ka hor inta uusan Ferland Mendy kubad karoos ah u soo qaaday Dani Carvajal, islamarkaana uu hogaanka u dhiibay Real.


Antoine Griezmann ayaa dhaliyay goolkii 174-aad ee kooxda Atletico, Rudiger ayaana iska dhaliyay gool ka hor inta uusan Carvajal goolka guusha u xaqiijin waqti dheeri ah.


Gool soo daahay oo uu iska dhaliyay Stefan Savic iyo Brahim Diaz ayaa guusha ku raacday Real madrid.


Goolhayaha Atletico Jan Oblak ayaa hore u soo baxay waqtigii dhimashada iyadoo Diaz uu ku garaacay shabaqa oo uu goolhayuhu ka maqan yahay gool meel fog ahaa. 


Real Madrid ayaa la ciyaari doonta midkood Barcelona ama Osasuna – kuwaas oo ku kulmi doona semi-finalka maalinka  Khamiista – iyadoo  finalka la qaban doono maalinimada  Axadda.


Haddii Barca ay badiso semi-keeda waxay la macno tahay finalka El Clasico labaad oo xiriir ah, iyadoo Barcelona ay 3-1 ku badisay sannadkii hore.


Griezmann ayaa taariikh ku sameeyay goolkiisii ​​uu kulankan u dhaliyay kooxdiisa  kubad qurux badan oo uu ka toogtay dhinaca hoose ee goolka uu waardiyaha ka yahay K.arrizabalaga, wuxuuna dhaafay halyaygii Luis Aragones oo ahaa gool dhaliyaha abid ugu sareeyay Atletico.


Laakin kuma filna kooxda Diego Simeone oo 5-daqiiqo u jirtay finalka ka hor inta uusan Carvajal dhalinin iyo afar daqiiqo real ayaa heshay goolkeedii 5aad oo ay ku xaqiijisatay guusha ciyaarta. 


Kulanka soo socda ee Atletico ayaa sidoo kale la ciyaari doona Real Madrid, iyadoo kooxaha ka dhisan caasimadda ay isku arki doonaan wareega 16ka Copa del Rey Khamiista soo socota.


falanqaynta goolashii kulanka madrid derby  

7'- GOOOL! REAL MADRID 0-1 ATLETICO MADRID (HERMOSO)

Kepa ayaa sameeyay badbaadin aad u fiican isagoo uu kubbada ugu leexiyo birta si ay koorno u soo laataan, laakiin Atletico ayaa daah furtay goolka furitaanka, iyada daafaa real aanay u dhawayn Hermoso ayaa kor u  booday isla markaana  madax si fiican  ku guulaystay in uu shabaqa dhex dhigo. . 1-0 Atletico.


20′- GOOOL! REAL MADRID 1-1 ATLETICO MADRID (RUDIGER)
Rudiger ayaa kubad madax ahayd ku toogtay shabaqa uu waardiyaa ka yahay  Oblak, waxa uu daafacani kusoo celiyay ciyaarta barbaro  1-1.


DAQIIQADII 29 AAD GOOOL! REAL MADRID 2-1 ATLETICO MADRID (MENDY)
Taasi waa gool aad u wanaagsan! Real madrid ayaa hogaanka ciyaarta la wareegtay daqiiqadii 29aad ee ciyaarta ka dhacday garoonka  Al-Awwal, Real madrid ayaa uga mahad celinaysa goolkan oo caawinteeda uu lahaa daafaca rug cadaagaa ee  Carvajal kaas oo kubbada joog hoose ku socotay ku caawiyay saaxiibkii  Mendy oo gool u bedelay. 2-1!

37′ – GOOL! REAL MADRID 2-2 ATLETICO MADRID (GRIEZMANN)
 Atletico ayaa soo laabatay, waana goolkii ugu wanaagsanaa kulanka, Waxa uu kubbada ka soo qaatay meel ka baxsan xereda  ganaaxa, wuxuuna dib ugu jaray cagtiisa midig, isagoo ka tagay Modric iyo Rudiger, ka hor inta uusan gantaal ku tuurin dhinaca  hoose ee goola2-2.


78′ – GOOL! REAL MADRID 2-3 ATLETICO MADRID
Atletico ayaa u dabaal degtay kadib markii ay kubadu shabaqa soo taabatay waxa si xun isku dayay inuu ka saaro goolhaye Kepa. Waxaa ku riixay inay gadho kubadu shabaqa Morata, balse waxa ay kusii dhacday daafaca real ee Rudiger,   Kepa ayaa ka soo baxay goolka  balse waxay labada nin ay si aan waxba tarayn iskugu dayeen  inay iska ilaaliyaan.


85′ – GOOL! REAL MADRID 3-3 ATLETICO MADRID (CARVAJAL)
Barbarihii baa yimi oo taageerayaashii ayaa   kacay!!, Vinicius ayaa isku dayay in uu goolka toogto balse waxa badbaadin sameeyay  goolhayaha atletico ee Oblak balse wax markale isku dayay xidiga   Bellingham isagoo si cajiib uga  diiday laba jeer goolhayuhu,   laakiin Real Madrid ayaa isku daygii afraad gool u beddeshay iyadoo Carvajal uu kubad kasoo booda ku celiyay kaasoo baraajaha ugu soo celiyay kooxda Real. 3-3!


116′ – GOOL! REAL MADRID 4-3 ATLETICO MADRID
karoos dheer oo ay soo tuureen xididgaha real ayaa waxa uu kusoo dhacay  xerada  ganaaxa Atletico waxaa  ka faaidaystay Joselu, kaasoo gushiyay kubada si uu u dhaafiyo daafaca iyo Savic iyo goolhayaha, nasiib wanaag Kubadu waxay dulmartay Oblak oo shabaqa dhexda u gashay iyadoo Joselu uu garanka la baxay si uu ugu dabaaldego goolka uu hogaanka ugu dhiibay kooxdiisa real. 4-3!


120′ – GOOL! REAL MADRID 5-3 ATLETICO MADRID (DIAZ)
Waayahay Real Madrid ayaa ku guuleysatay inay xaqiijisato guusha, Oblak ayaa koone kale u soo baxay, wuxuuna uu u soo baxay in kooxdiisa ay la timaado barbaraha ciyaarta, laakiin Brahim Diaz ayaa ka faaidaystay kubada, , waxaana uu meel fog ka toogtay goolka oo cidlaa. Real ayaana u gudubtay Finalka  Spanish Super cup-ka.



CIYAARYAHANKII UGU FIICNAA KULANKA – DANI CARVAJAL (REAL MADRID)

Daafaca dambeedka midig ee Real Carvajal ayaa ahaa mid aad u wanaagsan, isagoo sameeyay waxa ay sameeyaan  daafacyada muhiimka ah markii loo baahdo, waxaana uu soo bandhigay qaab ciyaareed adag, Dhamaadkiisa goolkii barbaraha ee ciyaarta u diray waqtigii dheeriga ahaa ayaa ahaa mid aad u qurux badan, waxaana uu caawintiisa lahaa goolkii labaadd ee uu dhaliyay Mendy.

QIIMAYNTA CIYAARTOYGA

Real Madrid: Kepa 3, Carvajal 8, Rüdiger 7, Nacho 6, Mendy 7, Tchouameni 7, Valverde 8, Modric 7, Bellingham 7, Rodrygo 7, Vinicius 7. Kaydka: Kroos 8, Camavinga 7, Diaz 7, Ceballos 7, Joselu 6, Guler 6.

Atletico Madrid: Oblak 8, Savic 7, Gimenez 7, Hermoso 8, Llorente 7, Koke 6, De Paul 6, Saul 6, Lino 7, Morata 6, Griezmann 8. Kaydka: Molina 7, Riquelme 7, Witsel 6, Correa 6 , Galan 6, Azpilicueta 6.




Ahmet jama

madasha xariif.net waxaad ka helaysaa dhamaan wararkii ugu danbeeyay ee cciyaaraha caalamka.

Post a Comment

Previous Post Next Post