Is Manchester City manager wrong to send Cole Palmer off the team?

 




Dominic King oo ka tirsan Mail Sport ayaa aaminsan in Pep Guardiola uu ku qalday Cole Palmer inuu ka tago Manchester City xagaagan.


Palmer ayaa ka tagay kooxdii yaraantiisii ​​isagoo Chelsea ugu biiray heshiis ku kacaya 42.5 milyan ginni , wuxuuna si degdeg ah ula qabsaday Stamford Bridge.


21-sano jirkaan ayaa shabaqa soo taabtay labadii kulan ee ugu danbeysay ee uu u saftay Blues, waxaana uu daah furay rigoore kulankii Sabtidii ay barbaraha 2-2 la  galeen Arsenal  isagoo wacdaro dhigay.


Isagoo la hadlaya Mail Sport's It's All Kicking Off podcast, King wuxuu yiri: 'Nolosheyda, ma fahmi karo sababta ay  Manchester City  u iibisay xagaagii.


“Waxaan u maleynayay inay aheyd waqti aad u weyn marka la eego wax walba oo uu ku sameeyay England Under-21 , sida uu u ciyaaray Super Cup-ka Yurub, iyo kulamadii isaga ku hareereysnaa dhowr sano oo uu ku jiray akadeemiyada. 


Isaga lama barbardhigi karo (Phil) Foden, laakiin waxaan u maleynayaa inuu muhiim yahay wakhtigan iyo da'da uu yahay naadiyada haddii ay helaan qof isagoo kale ah,  isagu waa wiil maxalli ah oo si cad ugu muuqda heerka  Premier League  , waxaanu awoodaa inuu siiyo fursad kasta oo ay ku guuleystaan kooxdiisu.'


 -Cole Palmer ayaa ka soo iftiimay Chelsea xilli ciyaareedkan, ka dib markii ay iska fasaxday Manchester City xagaagii. Maamulaha Man City Pep Guardiola ayaa sidoo kale la sheegay inuu sameeyay qalad.


Isagoo ku dhex jira qaab ciyaareedka liita ee Chelsea, iyo tiro ciyaartoy ah oo ugu sarreeya kooxda, Cole Palmer ayaa si aad ah u iftiimaya. Ciyaaryahanka 21 jirka ah ayaa si joogta ah ugu soo muuqday kooxda Buluugga ah.



Cole Palmer ayaa guud ahaan Chelsea u dhaliyay 8 gool iyo 6 caawin , kuwaas oo la sheegay in ay Man City kaga soo dalbadeen 40 milyan ginni suuqii ugu dambeeyay.



Iyadoo la tixgelinayo in Cole Palmer uu weli yahay 21 jir, tiradaas oo ku dhashay Manchester bishii May 6 2002 ayaa la rumeysan yahay inuu leeyahay mustaqbal ifaya haddii uu sii wadi karo inuu iftiimiyo Chelsea sida uu hadda yahay.




Iyadoo Cole Palmer uu hadda si dhab ah u iftiiminayo London Blue, qaar ayaa la yaaban sababta uu Pep Guardiola ugu ogolaan karo inuu aado Chelsea . Intaa waxaa dheer, Guardiola waxaa loo yaqaanaa inuu jecel yahay tayada dhalinyarada ee maxalliga ah.




Chris Sutton, weeraryahankii hore ee Premier League, ayaa ka mid ah dadka su’aal geliyay go’aankii Pep Guardiola uu ku fasaxay ciyaaryahankii hore ee akadeemiyada Manchester City. Sutton xitaa wuxuu aaminsan yahay in Guardiola uu ka xishooday naftiisa, ama laga yaabo inuu xitaa ka qoomameeyo.



"Haddii aad tahay taageere Manchester City , waxaad hubaal ahaan u malaynaysaa in Pep uu waalan yahay inuu iska fasaxo ciyaaryahan tayo leh," Sutton ayaa ku yiri podcast-ka It's All Kicking Off! sida ay sheegtay talkSPORT.




" Pep marar dhif ah ayuu naftiisa ceebeeyaa, laakiin waxay u muuqataa inuu qalad sameeyay markan, marar dhif ah ayuu sameeyaa, Palmer wuxuu ahaa mid cajiib ah marka loo eego kooxda Chelsea."


Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa soo saaray jawaab ku aadan guulaha uu gaaray xiddiga khadka dhexe ee kooxda Chelsea Cole Palmer tan iyo markii uu ka tagay Etihad Stadium.


21-sano jirkaan ayaa muhiim u ahaa dib u soo kabashada Blues ee Mauricio Pochettino isagoo  dhaliyay gool badan kadib markii uu 42.5 milyan oo ginni ugu soo wareegay stamford Bridge, Markii ugu horeysay waxa guul u horseeday kulankii ay 4-1 kaga badiyeen Burnley ka hor inta uusan 15 daqiiqo hogaanka u dhiibin Blues hadana markii uu 15 daqiiqo ku qaadatay ciyaar uu ka horyimid kooxda ay xafiiltamaan London ee Arsenal kulankii barbaraha 2-2 ee bishii hore.

Waxa uu markaas helay rigooradii seddexaad ee uu ka dhaliyay kooxda ay xafiiltamaan ee Tottenham  taasoo muujisay dar dar wayn oo ay blues ku heshay iyadoo ugu dambayntii ay ku badisay 4-1 dhammaan waxaas oo dhan  waxa ay uga mahad celinayaa xidigooda da'da yar.


Palmer qudhiisa ayaa qirtay inuu aad ugu qanacsan yahay  Blues. "Runtii aad ayaan ugu riyaaqayaa Wiilasha, shaqaalaha, wax walba oo ku saabsan, aad ayaan ula dhacay, , qof walba waa ogyahay waxa ay ka dhigan tahay u ciyaarida Chelsea"


"Waa naadi aad u weyn, waxaana u baahanahay guul, marka laga hadlo xili ciyaareedkan ma noqon karno mid ku guulaysta horyaalkan, marka waxaan u baahanahay inaan bandhigno oo aan u tartano koobabka qaar."


Isagoo ka mid ahaa kooxda Guardiola ee City dhowrkii sano ee la soo dhaafay kula guulaystay koobab badan mudooyinkii ugu dambeeyay oo ay ku jiraan kooxdii ku guuleysatay seddexda koob xili ciyaareedkii ugu dambeeyay,Hadda waxa uu doonayaa inuu keeno koobab badan inta uu ka hoos ciyaarayo Pochettino gegida Stamford Bridge.


"Waxaan isku dayayaa inaan ku daro koobab  hubaal  aan ku hogaamiyo kooxdayda cusub ee  Chelsea," ayuu yiri. "Waxaan rajeyneynaa, xilli ciyaareedkan, laakiin haddii aysan sidaas ahayn waxa aan rajaynayaa  mustaqbalka, waxaan helnay ciyaartoy badan oo wanaagsan, qaab dhismeed wanaagsan. Markaa waan awoodnaa mustaqbalka."


Si kastaba ha ahaatee, inkasta oo uu diyaar u ahaa inuu u ogolaado xiddiga inuu baxo xagaaga, tababaraha City Guardiola ayaa si aan toos ahayn uga jawaabay su’aal la weydiiyay oo ku saabsanayd sida uu  u arko  da’yarka oo ku soo bandhig fiican kusoo bandhigaya koox kale oo Premier League ah. Shirkiisii ​​jaraa'id ee ka horeeyay kulanka horaantii isbuucaas, wuxuu ka yari : "Hambalyo Chelsea iyo isaga."


Ka dib markii ay ku  cadaadiyeen saxafiyiintu jawaabta dhabta ah , Guardiola ayaa ugu dambeyntii ku jawaabay, isagoo leh: “[aad ayaan ugu faraxsanahay.]''



dhanka kale Madaxa kubbada cagta ee BBC Phil McNulty ayaa taageerayaashiisa ka qaadayay su'aalo Isniintii.


Vicky ayaa waydiiyay: Manchester City ma ku qaldantay inay Cole Palmer ka iibiso Chelsea?


Phil ayaa ku jawaabay:  Ma dhihi karo waa guuldaradii Manchester City weli sababtoo ah taatikada heerka caalami ee Pep Guardiola ayaa weli awood u leh xitaa ka dib markii uu iibiyay Palmer laakiin waxaan dhihi karnaa waxay u egtahay faa'iidada Chelsea.


Palmer ayaa ahaa mid aad u wanagsan waxana uu muujiyay deganaan lagu amaanayo kadib markii cadaadis lagu saaray in uu dhaliyo rigoore daqiiqadii 95-aad ee ciyaarta taas oo keentay in ay Chelsea dhibcaha la qaybasato shalayto kooxdiisii ​​hore.


Waxa uu si cad u leeyahay kalsooni weyn, sida uu muujiyay rabitaankiisa ah inuu ka tago City isagoo raadinaya waqti caadi ah, waxaana haatan uu u ciyaaraa kooxda sare ee England.


Ahmet jama

madasha xariif.net waxaad ka helaysaa dhamaan wararkii ugu danbeeyay ee cciyaaraha caalamka.

Post a Comment

Previous Post Next Post