Timo winner linked with Tottenham & players that can be signed by Spurs and those leaving the January market

 



Kaliya seddex sano ka hor, Timo Werner wuxuu ahaa xiddiga soo kacaya ee kubada cagta Jarmalka. Isagoo u dhaliyay 78 gool 127 kulan oo uu u saftay RB Leipzig, waxa uu u muuqday in uu ku guulaysan doono Premier League markii ay Chelsea ka soo bixisay lacag ka badan 47 milyan oo gini.


Haatan, Tottenham ayaa heshiis la gaartay Leipzig taasoo u sahlaysa inay si joogto ah ugula soo saxiixato kaliya 15 milyan ginni xagaaga, haddii amaahda uu ku joogo nuska xilli ciyaareedka ay ku dhamaato.


Waa hoos u dhac weyn oo xagga qiimaynta ah laakiin ka tarjumaysa dhibaatooyinkii Werner soo maray xilliyadii la soo dhaafay, xidigan 27 jirka ayaa ku qasbanaan doona inuu  dib isu muujiyo si aanu ugu fashilmin horyaalka ingiriiska mar labaad.


Lacagtaas faraha badan ee Chelsea u badashay waxay keentay guul Champions League ah laakiin may ahayn u dhaqaaqis guul leh oo uu Werner shaqsi ahaan ugu dhaqaaqay. 10 gool 56 kulan oo ay ciyaareen ayaa si xun uga soo laabtay goolashii la filayey ee ahaa 18.54 labadaas xilli ciyaareed. Fursado waaweyn ayaa la lumiyay, Offside-yadu waxay ahaayeen kuwo joogto ah.


Spurs ayaa heshiis la gaartay RB Leipzig si ay ula soo saxiixato 27 jirkaan ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan. Spurs ayaa bixin doonta mushaarkiisa oo dhan, halka ay jirto ikhtiyaar ay ku iibsan karaan weeraryahanka dhamaadka xilli ciyaareedkan.


Sky Germany ayaa ku warameysa in qiimaha uu Werner si joogto ah ula wareegi karo dhamaadka xilli ciyaareedkan uu yahay 15.5 milyan ginni.


Sky Sports News ayaa sheegtay horaantii isbuucaan in ciyaaryahankii hore ee Chelsea loo soo bandhigay Manchester United suuqa kala iibsiga ee Janaayo laakiin wuxuu haatan u muuqdaa inuu ku laabanayo London bishaan.


Kooxda Ange Postecoglou ayaa ugu yaraan hal bil ka maqnaan doona kabtanka kooxda Heung-Min Son maadaama uu ka qeyb galay koobka Asia, waxaana jirta cabsi uu Alejo Veliz soo gaaray dhaawac jilibka ah oo waqti dheer qaatay.


Werner ayaa daaha ka qaaday wadahadaladii uu la yeeshay tababare Ange Posetcoglou inay fure u ahaayeen weeraryahankii hore ee Chelsea inuu kooxda ku soo biiro.


xidigan Jarmalka ayaa u sheegay SPURSPLAY : “Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan halkaan joogo, waxaan ku biiray koox aad iyo aad u weyn.


“Wadahadalka aan la yeeshay maamulaha wuxuu ahaa run ahaantii, hadal aad u wanaagsan, isla markiiba wuxuu i siiyay dareenka aan u baahanahay oo aan dareemi inaan ku biiro koox.


"Sidoo kale, taatikada, qaabka, sida uu doonayo inuu u ciyaaro iyo sida uu u ogolaanayo kooxda inay ciyaaraan - aniga ahaan waxaan isla markiiba u maleeyay inaan ku haboonahay.


27 jirkaan ayaa Chelsea kaga soo biiray Leipzig bishii Luulyo 2020 aduun dhan £45m laakiin waxa uu dhaliyay kaliya 10 gool oo Premier League ah 56 kulan oo uu saftay ka hor inta uusan dib ugu biirin kooxdiisii ​​hore.


Tan iyo markii uu Bundesliga ugu soo laabtay 25.3 milyan ginni bishii Agoosto 2022, Werner ayaa dhaliyay 16 gool xilli ciyaareedkiisii ​​​​ugu horreeyay laakiin wuxuu awooday inuu labo gool dhaliyo 13 kulan oo uu ciyaaray xilli ciyaareedkan Qandaraaskiisa hadda waxa uu ku egyahay xagaaga 2026.

.


Werner ayaan u safan Jarmalka xilli ciyaareedkan tan iyo markii Julian Nagelsmann uu la wareegay hoggaanka, iyadoo kulankiisii ​​ugu dambeeyay ee xulka uu u saftay xagaagii hore ee Nations League.





Spurs iyo Genoa ayaa sii wada wadahadalada Dragusin


Bartilmaameedka  Tottenham  Radu Dragusin  ayaa u ciyaaray Genoa habeenimadii jimcaha iyadoo ay sii socdaan wadahadalada u dhexeeya labada kooxood.





Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Romania ayaa ku soo bilowday oo dhameystiray 90-kii daqiiqo ee ciyaarta ay Genoa barbardhac 1-1 ah la gashay kooxda Bologna ee ka tirsan Serie A.





Dhanka kale Spurs ayaan wax walaac ah ka qabin  xiisaha Napoli  ee 21 jirkaan.

La soo saxiixashada daafac dhexe ayaa ah mudnaan suuqa January ee kooxda Ange Postecoglou.






Werner ayaa qarka u saaran inuu amaah ugu biiro Spurs



Tottenham ayaa ku dhow inay amaah kula soo wareegto weeraryahanka RB Leipzig Timo Werner ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka, sida laga soo xigtay Sky Germany.





Laacibkii hore ee Chelsea ayaa lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Manchester United suuqii Janaayo laakiin hadda wuxuu u muuqdaa inuu ku laabanayo London bishaan.





Werner ayaa kaliya sideed jeer ka soo muuqday Bundesliga xilli ciyaareedkan, isagoo dhaliyay labo gool. Qandaraaskiisa hadda waxa uu ku egyahay xagaaga 2026.





Ange: Wali waan u fasaxi karnaa Dier inkasta oo uu dhaawacmay Davies



 Tababaraha  Tottenham Ange Postecoglou  ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu u ogolaado   bartilmaameedka  Bayern Munich Eric Dier  inkastoo  Ben Davies  uu soo gaaray dhaawac muruqa ah.




Sky Germany  ayaa ku warameysa in Dier iyo Bayern ay wada gaareen heshiis afka ah, iyadoo 29-sano jirkaan uu u soo bandhigay heshiis hal sano iyo bar ah kooxda heysata horyaalka Jarmalka.




Dier, oo qandaraaskiisa Spurs uu dhacayo xagaagan, ayaa seegay habeenkii jimcaha ciyaartii wareega seddexaad ee FA Cup oo ay ka badiyeen Burnley laakiin Postecoglou ayaa xaqiijiyay inuu u maqan yahay dhaawac soo gaaray isagoo aan wax lug ah ku laheyn bixitaankiisa.





tababarahan ayaa marka uu ka hadlay xidigan yidhi: "Wuxuu dhaawacmay, kaliya wuu xanuunsaday mana uusan tababarin shalay."





Markii la weydiiyay in maqnaanshihiisa ay la xiriirto suurtagalnimada u dhaqaaqista Bayern, Postecoglou wuxuu ku jawaabay: " su'aalin daacadnimadayda, markaan iraahdo wuu dhaawacmay, wuu dhaawacmay, ma uusan tababarin shalay. Waxaan heli karaa Vision [ Sawirada nidaamka tababarka spurs] adiga, waad waydiin kartaa isaga, wax kale kuma xidhna."




 

'' haddii ay jiraan wax aan hubo inaan maqli doono, laakiin caddaalad ah in la sheego 24-kii saacadood ee la soo dhaafay "Waxaan diirada saarayay ciyaarta iyo wiilasha diyaartoyda ah."





Markii la weydiiyay bal inuu awoodi karo inuu lumiyo Dier bishaan iyadoo Davies uu hadda dhaawacmay, Postecoglou wuxuu si fudud ugu jawaabay: "Haa."





Dhanka kale, Tottenham ayaa weli wadahadal kula jirta Genoa oo ku aadan saxiixa daafaca  Radu Dragusin .






Yaa Tottenham lala xiriirinayaa?



* werner ayaa qarka u saaran in uu amaah ugu biiro spurs



* spurs iyo genoe ayaa sii wada wadahadalada dragusing





ciyaartoyda ka baxaysa Tottenham



* dier oo u dhow in uu u dhaqaaqo bayern 



* spence iyo reguilon ayaa  ayaa diyaar u ah amaah.



* LAFC waxa ay dhamaystirtay heshiiska goolhayaha Lloris.



* juventus ayaa isha ku haysa hojbjerg



* waxa laga yaaba in lo Celse lagu tijaabiyo barcelona  



Ahmet jama

madasha xariif.net waxaad ka helaysaa dhamaan wararkii ugu danbeeyay ee cciyaaraha caalamka.

Post a Comment

Previous Post Next Post